Xasan oo qiil u sameeyey madax goboleedyada u safraya dalalka kale + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo galabta warbaahinta la hadlay, markii lasoo gabagabeeyey shirkii maalmahaan u socday madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa tusaale ka bixiyey macnaha uu shirkaasi u lahaa hir gelinta balan qaadkiisii ‘Soomaali heshiis ah.’

Madaxweynaha ayaa sheegay in madaxda Soomaaliyeed aysan kala aragti aheyn markii la joogo la macaamilka caalamka, isagoo xusay in hadii masuul ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada uu safro uu sido fariin ay madaxda Soomaaliyeed ka mideysan yihiin.

“Caalamka jecel inuu garab istaago Soomaaliya waan u mahad celineynaa, waana booqaneynaa, safarada aan aadeyno dan Soomaaliyeed ayaan ku raadineynaa, aniga ama madaxdaan kale, nin kasta wuxuu caalamka u sidaa fariin aan ka mideysanahay, taas ayaan caalamka kula macaamileynaa,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Xasan Sheekh ayaa dadka Soomaaliyeed ka codsaday inay kalsooni ku qabaan madaxdooda, isagoo ku celiyey in labo loo kala baxo, “Meel dhexe oo la istaago ma jirto Shabaab iyo inta la dagaalameysa ayaan nahay,” ayuu yiri.

“Waxaan dadaal ugu jirnaa sidii ay dadka Soomaaliyeed hal dhinac ugu wada jeesa la haayeen, balantii aan qaadnay ee Soomaali heshiis ah, waa tan tusaalaheeda, waxaan bogaadinayaa hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada ee galabta halkaan ila jooga,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in madaxda dowlad goboleedyadu ay kula shaqeyaan niyad sami, go’aan wada qaadasho, rayi’wadaag iyo isku tanaasul, isagoo wada shaqeyntaas uga mahad celiyey.

“Sida aan u wada shaqeyno waxay i tusineysaa yidadiilo cusub oo Soomaaliya u soo socota,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweyne Xasan Sheekh.

Hoos ka daawo