Baarlamanka maamulka PUNTLAND oo ansixiyey xubnaha maxkamadda sare

Garoowe (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meel mariyey xubnaha maxkamadda sare ee maamulkaasi, kadib kulan ay ku yeesheen xaruntooda magaalada caasimada ee Garoowe.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoomiyey Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ah guddoomiyaha Golaha Wakiilada, ayadoo inta badan ay goobjoog ahaayeen xildhibaanada.

Codeyn gacan taaga ah oo Golaha ka dhacday ayaa lagu ansixiyey xubnaha oo uu madaxweyne Deni u magacaabay maxkamadda sare ee maamulka Puntland, waxaana ogolaatay 53 Xildhibaan, ma jirin wax diidmo ah, balse waxaa ka aamusay 1 mudane.

Intaas kadib ayaa guddoonka maxkamadda sare iyo xubnaha kale ee lasoo magacaabay ayaa lagu dhaariyey isla goobta, si ay u guda galaan howlaha shaqo ee horyaallo.

Anisixinta xubnaha maxkamadda sare ayaa marar badan dib u dhacday, kadib khilaaf soo kala dhex-galay madaxtooyada iyo baarlamaanka, waxayna taasi sababtay in laba jeer oo hore ay Golaha ay iska diidaan meelmarinta xubnahan oo mar dambe wax ka bedal lagu sameeyey, taas oo hadda suuragelisay in maanta lagu ansixiyo cod aqlabiyad leh.

Arrintan ayaa waxaa soo dhoweeyey hoggaanka sare ee Puntland oo ay ku jiraan ururada siyaasadda iyo sidoo kale qaybaha kala duwan bulshada maamulkaasi.

Dhismaha maxkamadda sare ayaa ku soo aaday xilli loo baahnaa, islamarkaana dhowaan doorasho ay aadeyso Puntland, taas oo haatan uu ka taagan yahay muran aad u xoogan.