Ehallo raadinaya dadkooda weli aan nolol iyo geeri lagu hayn kadib qaraxyadii Zoobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Tiro qoysas ah ayaa weli aan nolol iyo geeri toona ku heyn ehelkooda oo ugu war dambeysay kahor inta aysan dhicin qaraxyadii weynaa ee lagu beegsaday Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya October 29, 2022.

Qaar kamid ah dadka baadigoobka ku jira ayaa sheegay in telefoonnadii ay wateen dadkooda ay ka maqan yihiin hawada, kana raadiyeen goobaha caafimaadka ee la geeyay dhaawacyada si looga daweeyo Waxyeellada gaartay dadkaas.

Aamina Maxamed, waxa ay raadineysaa Seygeeda oo sheegtay in uu ugu maqnaa qaliin lacag la’aan ah (Bilaash ah) oo ay u baahan tahay, balse taa baddelkeeda waxa ay weysay isaga qudhiisa oo ku dhawaad 48 saac raq iyo ruux toona ku hayn.

“Waxa aan raadinayaa Seygeeda oo aan u dhalay 10 Carruur ah, waxa uu igu dhahay qaliin lacag la’aan ah ayaan kuu raadinayaa oo waxa uu idhahay ma awoodi in aan isbitaal lacag ah ku geeyo, Aniga & Walaalihiis ayaa ka raadineyno goobtii ugu dambeysay uu joogay oo uu ku iibinayay dharka huudheyda,” Aamina Maxamed.

Dadka ehalladooda raadinayo waxaa kamid ah Cabdicasiis Cabdi oo ah ardey wax ka dhigta Muqdisho wuxuu sheegay in habeenkii oo idil uu raadinayay walaashii oo ku sugneyd isgooyska Zoobe xilliggii uu qaraxa dhacayay.

“Meydkeeda saaka ayaan helnay, waxaan ku garanay dharkii ay qabtay, jirkeeda gebi ahaanba wuu gubtay,” ayuu yiri Cabdicasiis. Wuxuu intaa ku daray, “Weligey ma arag dhacdo noocan ah.”

Dhinaca kale, Maxamed Ganey oo dumaashidii ka raadinayay isbitaalka ayaa sheegay, “waxay u dhimatay dhaawaca daqiiqo kadib markii aan ka helnay isbitaalka, qof kasta wuxuu ka naxay qaraxa.”

“Su’aasha la isweydinayo ayaa ah maxaa loo laaynaya dad aan waxbo galabsan?,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dadka illaa iyo hadda nolol iyo geeri lagu la’yahay ayaa lagu sheegay inay kor u dhaafayaan illaa 10 qof, waxaana meesha uu qaraxa ka dhacay laga helay qeybo kamid ah jirka bini’aadamka kuwaas oo aan la aqoonsan dadka ay yihiin.

Goobaha caafimaadka ee Magaalada Muqdisho waxaa ku sugan qoysas raadinaya xubno ka tirsan ehelkooda oo ugu war dambeysay markii ay dhaceen qaraxyadii sababay dhimashada & dhaawaca ee Muqdisho ka dhacay 29-October-2022.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxyadaan ku dhimatay 120 qof oo shacab ah halka dhaawaca uu intaas ka badan yahay.

Waa markii labaad oo qarax noocaan ah uu ka dhaco isgoyskaan, waxaana sidaan oo kale 5 sano ka hor loo waayey dad badan oo nolol iyo geeri lagu waayey.

Kooxda Al-Shabaab ayaa ka dambeysay  qaraxyadaan, waxayna sheegatay inay la beegsatay arday la rabay in askar laga dhigo balse sida muuqata waxaa qaraxyadaan ku dhintay dad shacab ah oo ganacsiyo ku lahaa Zoobe iyo kuwa kale oo jidka marayey.