Saameyn noocee ah ayaa ka dhalan karta dagaalka magaalada Laascaanood?

Muqisho (Caasimada Online) – Dagaalka u dhexeeyo ciidamada Somaliland iyo dadka deegaanka ee ka socdo Laascaanood ayaa galay maalintii 8-aad, ayada oo uu dagaalku ku fiday meelo ka baxsan magaalada kaas oo geystay khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur.

Dagaalkan ay waxaa sidoo kale barbar socota duqeyn xoogan oo lagu garaacayo gudaha magaaladan, kadib markii ay dad badan ku dhinteen madaafiic guryahooda ku dhacday.

Haddaba saameyn noocee ah ayaa ka dhalan karta dagaalka Laascaanood?

Ismaaciil Cumar Dalmar oo ka faallooda Arrimaha Geeska Afrika islamarkaana u warramay Telefishinka Universal ayaa qoto dheer uga hadlay xaaladda murugsan ee Laascaanood.

Aqoonyahankan dhalinyarada ah ayaa shaaca ka qaaday in dhibta ugu weyn ee dagaalka ka socdo magaaladaas uu soo gaaray rayidka oo la kulamay dhimasho, dhaawac iyo barakac.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dagaalkan uu sababi karo colaad sokeeye oo ku baahda gobollada kale ee Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan dhihi karnaa dagaalkaas maalintii 8-aad socdo waa dagaal dhibta ugu weyn ee soo gaareyso dadka shacabka ah, waana dagaal sababi doono colaad sorkeeye oo ku baahi doonto gobollada kale,” ayuu yiri Ismaaciil Cumar  Dalmar oo ka faallooda Arrimaha Afrika.

Dalmar oo sii hadlaya ayaa sheegay in xalka uu ku jiro in ay isku tanaasulaan labada dhinac, si loo baajiyo in markale uu dhiig Soomaaliyeed ku daatoLaascaanood.

“Waan filayaa in dagaalka uu weli sii soconaayo haddaan xal la gaarin ama qulo uun aysan tanaasulin ama aysan dib uga guran meelaha uu ka socdo dagaalka” ayuu sii raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray dowladda federaalka, gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheekh oo uu ugu baaqay inuu qaato doorka kaga aadan colaaddaasi.

“Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladdiisa waxaan ugu baaqayaa in la taban taabiyo oo sidii la rabay loo shaqeeyo si nafaha Soomaaliyeed loo kala bad-baadiyop,” ayuu yiri.

Si kastaba, hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo ay burburtay xabad joojintii ay ku dhawaaqday Somaliland, maadaama uu weli dagaalka halkiisa ka socdo.