Wax ka ogow sheekada ku hoos qarsan dagaalka Shabaab ay wado sanadaha badan

Muqdisho (Caasimada Online) – Muddo ka badan shan iyo toban sano ayay dalka iyo dadka dhibaato adag ku haysay kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab, waxaana hadda isbedel xoog leh oo dardar ku socda laga dareemayaa howl-gallada lagu baacsanayo kooxaha Khawaarijta arxanka daran, kuwaas oo laga saaray deegaanno badan oo ka tirsan dalka.

Si aan loo fahmin dhagarahooda waxay kooxahan soo dhaweysteen cid walba oo aan lahayn aqoon Diineed iyo mid maadi ah, kuwaas oo ay ka dhigeen madaxdii xukumi lahayd bulshada Soomaaliyeed ee qadarisa dhaqankooda iyo Diintooda.

Waxaad isweydiineysaa maxay tahay sababta ay u dhisan yihiin Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee Khawaarijta ee laga hor wareejinayo caqabadii ay ku hayeen Diinta, dhaqanka iyo horumarka?.

Maxamed Cumar Abuu Ayaan ayaa su’aashan hordhignay “Waa inaan ummaddeyda u naxaa, Ummadeyda muslimiinta ahna waa inaan u sheegaa wax haba yaraatee Diin ah u socon, oo wanaagooda u socon, Waxaan ka aamisanahay in ay yihiin dad la soo shaqaaleystay oo ummadda muslimiinta Soomaaliyeed ka hortaagan in ay marnaba nabad helaan oo midoobaan, oo dowladnimadooda u soo laabato kana baxaan qaxootinimada iyo dhibaatada,” ayuu yiri Abuu Ayaan.

Qof waliba oo Soomaaliyeed waxa uu si cad u og-yahay dagaalka Al-Shabaab ay ku hayso Diinta si bulshada u fasahaadiyaan, waxaase ka sii daran dagaalka aan la ogeyn oo ay ku hayaan dhaqanka Soomaaliyeed.

Mid kamid ah culumada Soomaaliyeed ayaa cabiraya sida Shabaab iyo kooxaha Khawaarijta u marin habaabiso una caburiso bulshada iyo dadka hormuudka u ah, “Qabiil dhanaa loo tegayaa, kan dadka ugu jaahilsan ugu caraabisan ama ugu dhalinyar aa kaaba qabiilka looga dhigaa, cuquladadii dadkaasi, waxgaradkooda midna waa la eryay, midna xabsi ayaa la geliyay.”

“Waxaan arkay 80-sano jir dhahaaya toddoba jeer ayaa xabsi galay, waxaana arkay todobaatan iyo dhowr jir dhahaayo toddoba sano beledkan ka maqnaa amar ayaa la igu siiyay inaan ka baxo.”

Dulmiga aan ka soo sheekeynay waxaa laga dareemay qoys kasta oo Soomaaliyeed sida uu qabo Sheekh Ibraahim Maxamed Kulmiye.

“Qoys maanta ummadda Soomaaliyeed oo dulmiga Khawaarijta uusan gaarin lama soo helaayo si taban ama si togan ayay ummadda Soomaaliyeed u wada dhibaateeyeen.”

Iftiiminta aan ku sameynay Shabaab iyo kooxaha lamidka oo ah in ay yihiin duul u shaqeynaya quwada kale, waa mid aan ku dooneyno in ay ku sii baraarugaan bulshada ka kacdoontay dhagarta xadka dhaaftay ee ay mudada badan ku hayeen.

Ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka ayaa dhawaan kooxda Al-Shabaab kala wareegay deegaanno iyo degmooyin badan oo muddo ka badan toban sano gacanta ay ku hayeen.

Kooxda ayaa waxaa laga dilay horjoogayaal sar-sare intii uu dagaalka socday. Sidoo kale waxaa xoogaystay kacdoonka dadweynaha Soomaaliyeed ay kaga qayb qaadanayaan hawl-galka lagu cirib tirayo kooxaha Khawaariijta.