DF Somalia oo dib u furtay SAFAARAD muhiim ah oo xirneyd in ka badan 30 sano

London (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dib u furatay safaarada ay ku leedahay boqortooyada Ingiriiiska, taasi oo muddo 32 sano ah aan wax adeeg ah u haynin bulshada Soomaaliyeed ee Ingiriiska.

Dib u furista safaaradda ayaa lagu sheegay in ay tahay tallaabo wanaagsan oo lagu xoojinayo xiririka Ingiriiska iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Munaasibada daah-furka safaaradda ayaa waxaa ka qeyb-galay danjire Cabdulqaadir Axmed Kheyr, Orodyahanka Mo Farah iyo Sabrina Dhowre oo gabadh Soomaali-Canadian ah iyo marti sharaf kale.

Safaaradda ayaa waxaa la filayaa in ay u adeegi doonto ku dhawaad shan boqol oo kun oo qurbajoog Soomaali ah oo ku nool dalka Ingiriiska, kuwaasi oo xaq u leh dhalashada Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa la sheegay in safaaradda dib loo furay ay marta-gelin doonto dhacdooyin dhaqameed iyo kuwo kale oo wargelin ah, ayada oo intaas usii wehliyaan adeegyo kale oo ay kamid yihiin waraaqaha safarka iyo kuwa guurka.

Safiir Cabduqaadir Axmed Kheyr iyo howl-wadeenada safaaradda Soomaaliya ee Ingiriiska ayaa durtaba shaqo bilaabay, ayada oo u adeegaysa Soomaalida ku nool dalkaas.

Safaaradda Soomaaliya ee London ayaa waxaa si rasmi ah loo xiray sanadkii 1991-kii kadib burburkii dowladdii dhexe, waxayna dib u howl-galideeda xilligaan leedahay muhiimad gaar ah.