DF oo shaacisay qorshaha ay ku wajaheyso arrin loogu tagay degaanadii la xoreeyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu billowday dagaalka ka dhanka Al-Shabaab, waxaa kooxda laga xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ay ka talin jirtay, kuwaasi oo hadda si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada dowladda.

Deegaanada laga qabsaday kooxda Al-Shabaab ayaa intii ay ku jireen gacanta kooxda waxaa loo diiday in dhalintooda wax bartaan, ayaga oo qaarkoodna xoog ku askariyeeyay.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabduqaadir ayaa markii u horeysay shaaciyay qorshaha dowladda federaalka uga dagsan arrintaan loogu tagay deegaanadii laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab.

“Goobaha laga xoreeyay Khawaarijta wey tageen wasiirada waxbarashada iyo madaxda waxbarashada oo waxaa lagu soo sameeyay qiimeyn, waxyaabo runtii aad looga murugoodo ayaa lagu soo arkay,” ayuu yiri.

“Deegaanadii laga xoreeyay Khawaarijta waxaa loogu tagay dad da’doodu 20 sano jirto oo loo diiday fursad kasta oo ay wax ku baran lahaayeen, balse waxaan u diyaarinay qorshe waxbarasho.”

Wasiirka Waxbarashada ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dib loo furayo dugsiyadii ku yaalay deegaanada la xoreeyay, kuwaasi oo ay hore u xirtay kooxda Al-Shabaab markii ay la wareegeen gacan ku haynta dhulkaasi.

“Deegaanada la xoreeyay barnaamij gaar ah ayay leedahay oo qorshe ayaa ka wadna, dhawaana dib ayaa loo furaya dugsiyadooda, gaar ahaan deegaanada Galmudug iyo HirShabeelle.”

Dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan wasaarada waxbarashada ayaa dhawaan daah-furtay barnaamij lagu shaqaaleysiinayo 3,000 macallin oo ka howl-geli doona dowlad-goboleedyada iyo gobolka Banadir.

Saddexdan kun ee macalin ayaa waxaa qeyb ka ah macalimiin ka howl-galaya dugsiyada dib loo furayo ee ku yaalla deegaanada la xoreeyay, gaar ahaan deegaanada Galmudug iyo HirShabelle, oo qorshahaan marka hore lagu bilaabayo.