Saameynta weerarkii ay siyaasiyiinta Puntland ku qaadeen Kheyre iyo hal arrin oo ka dhalan karta

Garoowe (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khyre booqday deegaanada Puntland oo uu hadda ku kala bixinayo magaalooyin kale duwan waxa ay noqotay mid muran siyaasadeed abuurtay.

Xasan Cali Kheyre oo booqday Puntland markii ugu horreeysay tan iyo markii loo magacaabay xilkaas, ayaa ku bilowday jawi qurux badan isaga oo loo sameeyey soo dhaweyn heer sare ah.

Yeelkeede, booqashadiisa waxaa bar badow u yeelay siyaasiyiinta Maamulka Puntland oo cambaareyn kala dul dhacay Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Dhalleeceyntan ayaa ka soo bilaabatay hadal u Garacd ka jeediyey Islaan Bashiir Islaan Cabdulle isaga oo tilmaamay in aysan fileyn sida uu u dhaqmay Xassan Cali Kheyre!

Maxaa sabab u ah?

Maalinimaddii salaasada waxaa degmada Garacd laga dhagax dhigay Deked cusub oo halkaas laga dhisayo waxaana ka qeyb qaatay Madaxweynaha Puntland, isimada iyo siyaasiyiin caan ah oo uu ka mid yahay Cali Xaaji Warsame.

Hase ahaatee, waxaa ka baaqday Kheyre oo ay maamulka Puntland filayeen in uu ka qeyb-qaato dhagax dhigga Dekedda Garacad, sababo aan la shaacin awgeed balse loo badinayo in aysan ku jirin qorshihii uu u aaday deegaanadaas.

Cabdi Faarax Siciid Juxa, wasiirkii hore ee arrimaha gudaha ee xukumadda Xassan Cali Kheyre ayaa noqday shaqsigii labaad ee dhaliila Kheyre isaga oo bartiisa Facebook-ka ku soo weeraray.

Waxaa lama filaan noqotay in ay isku wada raaceen Siyaasiyiinta Puntland eedeenta loo jeedinayo Ra’iisul Wasaaraha markiisii kowaad booqashada ku jooga deegaankooda.

War Saxaafadeed ay soo saareen golaha Puntland Focus Group ee ay ku bohoobeen siyaasiyiinta u tartameysa xilka madaxweyne ee Puntland ayaa si adag loogu cambaareeyey ka baaqashadii Raisul Wasaaraha ee dhagax dhigga Dekedda Garacad.

Saameynta ay arintaas ku yeelaneyso booqashada Kheyre ee Puntland?

Eedemahaas sidaas u culus ee ay isku raaceen siyaasiyiinta Puntland iyo isimadooda waxa ay qalbi jab ku abuurtay Kheyre oo aan  fileyn in sidaas ku dambeeyo boqashadiisii hilowga lahayd ee uu ugu ambabaxay Puntand.

Waa eedeemo ay suurtagal tahay in ay bilowdo khilaaf hor leh oo ka dhex dhasha Puntland oo hore caan ugu ahaa hagardaaminta dowladnimada Soomaaliya haddii ay tiisa meelmari weydo in ay xiriirka u jaraan dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Dhacdooyinkan ayaa su’aal ka keenaya hab-dhaqanka Siyaasiyiinta Puntland  maadama markii uu madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo booqday deeganaas si meeqaam sare ah loogu qaabilay oo aysan ka dhalan wax carqalad ah kuna soo dhammaatay guul, farxad iyo reyn reyn!

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com