Saamiga maamulka gobolka Soomaalida ku yeelanayo shidaalka gobolkooda laga helay oo la ansixiyay

Addis Ababa (Caasimada Online) – Golaha aqalka sare ee baarlamaanka Ethiopia ayaa la sheegay inuu ansixiyay saamiga ismaamulka Soomaalida ku yeelanayo shidaalka laga helay dhulka ismaamulka.

Xubnaha aqalka sare ee Federaalka Ethiopia ayaa meel mariyay in 50% dhaqaalaha kasoo xarooda Shidaalka laga helay gobolka Soomaalida uu yeelan doono ismaamulka Soomaalida Ethiopia.

Arintaan ayaa kusoo aadeysa iyadoo ra’iisul wasaaraha Ethiopia marar badan uu ka hadlay hadalo la isla dhex marayay oo sheegayay in Soomaalida 5% ay ku yeelan doonaan saamiga Shidaalka.

Waxaana hadda muuqata inay taasi meesha ka baxeyso, maadaama %50 loo ansixiyay inay heli doonaan shacabka Soomaalida, dakhliga kasoo xarooda shidaalka laga helay gobolka.

Laakiin Abiye Axmed oo arrintaas bidhaamiyay ayaa sheegay in 5% ay leeyihiin dadka deegaanka laga helay Ceelasha shidaalka ee uu saameyn doono daaqa iyo beeraha sidaasna lagu siinayo saami dhan 5%.

Marka laga yimaado in 50% ay yeelan doonaan Soomaalida dhulkooda shidaalka laga helay, aqalka sare ma aysan shaacin sida laga yeelayo inta kale ee ka hartay dakhliga kasoo xaroonayo shidaalka.

Dhulka Soomaalida oo sanado badan shidaal laga baarayay ayaa ugu dambeyntii laga helay, waxaana ka shaqeeyay shirkado laga leeyahay dalka Shiinaha, waxaana hadda dhiman in la bilaabo iib geynta Shidaalkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com