Xog: Saanad ciidan oo laga xaday xarunta wasaarada gaashaandhigga Somalia

Muqdisho (Caaismada Online) – Saraakiil ka tirsan Ciidamada koofiya casta ee ilaaliyada Wasaaradda Gaashandhigga Soomaaliya ayaa Caasimada online u xaqiijiyay in habeenkii khamiista loo dhacay Keydka Saanadda Ciidamada ee ku yaala Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya islamarkaana laga qaatay agabyo badan.

Agabyada laga qaatay Keydka Saanadda Ciidamada ayaa lagu sheegay Rasaas, Qoryo fudud iyo Dharka Ciidamada waxaana arintaan la aaminsan yahay in ay ka dambeeyaan xubno sare oo ka tirsan taliska Ciidamada ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Dhowr qof oo uu mid kamid yahay Sarkaal sare oo katirsan Ciidamo dhowaan tababar dalka Turkiga ah ka soo laabtay ayaa la sheegay in jimcihii loo xiray, waxaana lagu eedeeyay in ragaasi ay ka dambeeyeen ama ay wax ka ogaayeen falkii dhacay.

Caasimada online waxay ka gaabsatay in ay baahiso magacyada ragga eedeysanayaasha ah oo ay lasoo wadaageyn Saraakiisha Wasaaradda Gaashandhigga. Ragaan la eedeeyay oo ah dhalinyaro tababar fiican ku soo qaatay dalka Turkiga iyo xerada tababarada Turkiga ee Muqdisho ayaa sidoo kale qaarkood waxay hore uga tirsanaayeen Ciidamada gaarka ah ee Kumaandooska Soomaaliya.

Xubnaha aan la hadalnay ayaa sheegay in marka laga reebo Sarkaalka la tuhunsan yahay ee la qabtay ay baxsadeen ciidamo kale oo la sheegay in shaki looga qabo arintaan dhacday. Falkaan ayaa fadeexad ku noqotay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo ilaa hadda ay ka socdaan baaritaanno adag.

Wali ma jirto wax war ah oo ka soo baxay taliska Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Guud ahaan dowladda Soomaaliya oo arintaan ku saabsan. Waa markii ugu horreysay oo arintaan oo kale dhowaanahaan ka dhacdo Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com