25.5 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Sababta amniga Garoowe maanta loogu wareejiyey ciidamo gaar ah (Warbixin)

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Amniga caasimadda Garoowe ayaa si kumeel gaar ah looga wareejiyay ciidanka Booliska, waxaana lagu wareejiyay ciidamo isku dhaf ah oo ka socda PSF, PMPF iyo madaxtooyada Puntland sida ay shaaciyeen maamulka Gobolka Nugaal.

Sababta ugu weyn ee ciidanka Booliiska looga wareejiyay amniga magaalada Garoowe waxey tahay in dib u habeyn lagu sameynayo, sidaas darteed guddiga Nabad-gelyada Nugaal oo  shir ku yeeshay caasimadda ayaa go’aamiyay in mudadaas amniga laga wareejiyo.

Guddiga waxey sidoo kale amar ku bixiyeen in baraha koontorool ee Garoowe si dhaqso leh loogu raro meelahii loo calaamadiyay, waxaana ciidamada halkaas jooga lagu badalayaa kuwa isku dhafka ah ee ka socda PMF, PSF iyo ciidanka Madaxtooyada Puntland.

Dagaal ka dhan ah dadka maan-dooriyaha khamriga, xashiishka iyo wixii la mid ah soo galiya magaalada ayaa la amray, waxaana intaas dheer ineysan ka marneyn in laga hortago dadka hub-ka sharcidarada ah soo galinaya magaalada.

Ciidamada maamulka Puntland ayaa maalmahii ugu dambeeyay lagu sameynayay diiwaangalinta casriga ah ee habka xisaabaadka Bangiyada oo horay ay xukuumadda Ferderaalka Soomaaliya uga hirgalisay ciidamada xoogga dalka iyo qaaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka

- Advertisement -

Read more

Local News