Sababta ciidanka xoogga loogu soo celinayo xerooyinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka ayaa helin wax nasiino iyo fasax ah muddo sanad iyo dhowr billood oo ay ku jireen dagaal toos ah oo ay la galeen kooxaha argagixisada

Gorgor, Danab iyo guud ahaan ciidanka xoogga dalka ayaa furinta ku hooyanayay muddo sanad ka badan, waxayna xabaddii ay kasoo bilaabeen hareeraha magaalada Muqdisho ku tageen Cowswayne illaa iyo Ceelbuur.

Waayahan dambe dagaallada kama qeyb-galin Macawisley, sidoo kale ciidanka ATMIS ayaa ku jirin dagaalka, taas oo ka dhigin in ciidanka xoogga dalka uu qaatay kaalin uusan qaadan tan iyo markii dib loo ambaqaaday dowlad dhiska Soomaaliya labaatan sano kahor.

Kadib weerarkii dhawaan ka dhacay deegaanka Cowswayne oo uu madaxweynaha Soomaaliya sheegay in khasaaraha dhankooda gaaray iyo midka argagixisada gaaray uu badan yahay midka argagixisada gaaray, haddana waxay dowladda go’aansatay inay dib u hagaajiso gulufkeeda oo la xisaabiyo haddii ay jiraan qaladaad iyo khasaarooyin laga baaqsan karay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu habeen hore Internet-ka kula hadlay madaxdii hore ee dalka, aqoonyahaano iyo qeybaha bulshada, kuwaasi oo iskugu yimid inay dhiiri-geliyaan ciidanka xoogga dalka.

Waxa uu madaxweynaha sheegay in ciidanka lasoo wada aruuriyo, xeryahooda lagu soo celiyo oo nasiino la siiyo, maadaama aanay wax nasiino ah helin muddo sanad ka badan oo ay dagaal ku jireen.

Inkasta oo aanu madaxweynaha sheegin, haddana xogaha qaar ayaa sheegaya in dowladda qaadatay 15 maalmood oo dib u habeyn ah, waxaana askarta loo ogolaaday inay booqan karaan qoysaskooda.

Madaxweynaha waxa uu sheegay inay xeelada, farsamada iyo niyadda ciidanka ay rabaan inay dib u hagaajiyaan mudaddaasi kooban, taasina ay tahay sababta ay u go’aansadeen inay ciidanka xeryaha kusoo celiyaan.

Waxaa jira warar sheegaya in dowladda qorsheyneyso inay isbedello ku sameysay qorshaha guud ee dagaalka, iyada oo ay dhici karto in dadka qaar laga beddelo doorkii ay markii hore ku metelayeen dagaalka ama la dhimo awooddii markii hore la siiyay, iyada oo sidoo kale taliyeyaal cusub loo magacaabi karo guutooyinka iyo qeybaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu rejo xoog leh ka muujiyay inay laba-kacleyn la imaan doonaan, uuna ku kalsoon yahay in laga adkaan doono argagixisada.

“Sanad iyo jarjarka dagaal Shabaab lagu jiray nin aan nasan oo maalintii uu dagaalka billowday illaa maanta taagna ordaayay oo xabad ridaayay oo qarax ka dul-dhacaayay, anagana fursad ma aanu haysan iyo awood aan ku kala badalno, hadda maadaama sidaas dhacday waa soo aruurinay xeryahooda ayaa lagu soo wada xareyanayaa,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu intaas kusii daray “Intaas mudadaas kooban sidii dagaalka meeshii uu joogay aan dib uga soo noqon laheyn, oo lagu ilaalin lahaa meesha, uuna hore uga sii socon lahaa.”