Sababta DENI markale u soo laabtay iyo ceebtii Aaran-jaan iyo DF ka raacday doorashada

Garoowe (Caasimada Online) – Saciid Cabdullaahi Deni ayaa 8-dii bishaan bixiyay duruus siyaasadeed, kadib markii uu noqday qofkii ugu horreeyay ee laba jeer loo doorto xilka hoggaamiyaha maamulka Puntland.

Saciid Deni ayaa iibsaday naceyb siyaasadeedka reer Puntland qaar u qabaan Xasan Sheekh Maxamuud, taasi oo dib u siisay shan sano oo cusub oo laga yaabo inuu inteeda badan ku kharash gareeyo dagaalka federaalka iyo damiciisa madaxweynaha Soomaaliya 2026.

Natiijada wareegii hore ayaa boorka ku qarisay xubno loo arkaayay inay Deni riixi karaana sida; kooxda ay sida ba’an u hardameen ee la yiraahdo Aaran-jaan, kuwaas oo u sharaxnaa Xasan Shire Abgaal.

Wuxuu wareegii hore ee doorashada helay Saciid Cabdullaahi Deni 35 cod, halka Musharaxa labaad galay Guuleed Saalax Barre uu helay 9 cod, waxaana saddexaad galay Abshir Cumar Haruuse oo helay 8 cod.

Wareegii labaad ee doorashada waxaa isla aaday Saciid Cabdullaahi Deni, Guuleed Saalax Barre iyo Abshir Cumar Haruuse, laakiin Deni ayaa sii waday wareegiisa isaga oo helay 40 cod, halka uu Guuleed Barre uu helay 17 cod, waxaana Abshir Haruuse uu helay 9 cod.

Doorashada ayaa markaas u baahatay wareeg saddexaad, waxaana u gudbay Saciid Deni iyo Guuleed Barre. Deni ayaa markale helay codad rikoor ah oo dhan 45, kuwaasi oo u saamaxay inuu noqdo hoggaamiyaha Puntland ee 5-ta sano ee soo aadan, wareeg walba 5 cod ayaa u kordheysay Saciid Cabdullaahi Deni.

Haddaba, Maxay ka dhigan tahay guusha Saciid Deni?

Marka hore Villa Somalia oo dhowr musharax kaararka saaratay, inkasta oo uu si weyn ololahooda u muuqan ayaa ku hungoobay inay Saciid Deni bixiyaan. Waxay ka dhigan tahay in dagaalkii federaalka iyo Puntland uu halkiisa kasii socon doono.

Deni ka sakow inuu noqday ninkii ugu horreeyay ee laba jeer loo doortay Puntland wuxuu dhinaca kale uu sare u soo qaaday damiciisa heer federaal, oo wuxuu noqon doona mid kamid ah ragga ugu cad cad doorashada federaalka ee soo aadan, maadaama uu kaalinta saddexaad ka galay doorashadii ugu dambeysay ee federaalka.

Siyaasiyiin badan oo reer Puntland ah ayay dhibaato ku tahay soo laabashada Deni, kuwaasi oo hadda filanaaya inuu Saciid Deni ka saari doono saaxada siyaasadda.

Deni wuxuu kale oo uu jabiyay tarihii, Qardho, Garoowe iyo Gaalkacyo ayaa mid walba waxay 5 sano qaadan jirtay xilka ugu sarreeya maamulka Puntland. Waxaana sanadkaan taraha sugayay reer Garoowe, laakiin Saciid Deni oo reer Qardho ah uu mar labaad soo laabtay ayaa ka dhigan inay dhamaatay sheekadii taraha oo hadda kadib ay qolo walba leedahay fursad ay ku qaadato xukunka Puntland.

Doorashadii qof iyo codka ayaa iyaduna fursad kale heshay. Deni waxaa kale oo u furan inuu sii wado mashruuciisa doorashada dadweynaha oo ay siyaasiyiinta uu 8-dii bishaan ka adkaaday horey u hor istaageen.