Culimada Soomaaliyeed oo bayaan culus kasoo saaray damaca Itoobiya (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay shir Culimada Soomaaliyeed ay ka yeesheen xad-gudubka Itoobiya iyo heshiis beeneedkii madaxweyne Muuse Biixi uu Addis Ababa kula saxiixday ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Bayaan kasoo baxay shirka Culimada Soomaaliyeed ayaa si adag looga horyimid damaca Itoobiya, iyaga oo bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay u midoobaan ka hortaga fara-gelinta iyo xad-gudubka badheedhka ah ee Itoobiya.

“Bulshada Soomaaliyeed meel ay joogtaba u midowdo ka hortaga fara-galinta iyo boobka lagu hayo gobanimada Dalka kana fogaadaan khilaafaadka siyaasiga ah, qabyaalada ku saleysan iyo midka fikriga ahba, si loo ilaaliyo difaaca qaranimada iyo madax-banaanida dalka,” ayaa lagu yiri bayaanka Culimada Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxay uga digeen dowlada Itoobiya natiijada qaraar ee ka dhalan karta xad-gudubka madax-banaanida Soomaaliya ee ku kacday xukuumadda Abiy Axmed.

“Culimada Soomaaliyeed waxay si gaar ah dhalinyarada (ugu baaqeysa) in ay gutaan waajibka ka saaran difaaca Qarannimada Soomaaliya, si la mid dhalinyaradii usoo dagaalamey kana qeyb qaatey halgankii gobonima-doonka dalkeena, kana digtoonaadan in looga faa’iideysto kacdoonkooda si aan u adeegaynin dalkeena, diinteeena iyo dadkeenaba.”

Bayaanka kasoo baxay Culimada Soomaaliyeed ayaa sidoo kale waxaa lagu booriyay shucuubta Muslimiinta ah ee degan gobolka geeska Afrika “in ay ku baraarugaan gulufka gar-darada ah ee Abiy Axmed isaga hor keenayo shucuubta Muslimiinta, taasi badalkeedna ay shucuubta Muslimiinta iska kaashadaan maslaxada Diinkooda, nabad iyo deris wanaagna ku wada noolaadaan.”

Ugu dambeyntiina waxay culimada bogaadiyeen wada-hadaladii dhawaan dib uga bilowday dalka Jabuuti ee dowladda federaalka iyo Somaliland, iyagoo ku baaqay in laga mira-dhaliyo wada-hadaladaasi si loo xaqiijiyo midnimada umadda Soomaaliyeed.

Hoos ka daawo