Faah-faahinta qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhawaaqa jug culus oo maanta duhurkii laga maqlay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Dhawaaqa jugta culus ayaa la xaqiijiyay inuu ahaa qarax lasoo dhigay Suuqa Xamarweyne ee magaalada Muqdisho, kaasi oo markii dambe ay qarxiyeen ciidamada ammaanka.

Qoraal kasoo baxay Taliska qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir ayaa lagu shaaciyay in qaraxaas aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay, ayna ciidamada ammaanka dadka ka badbaadiyeen.

“Saaka 10 Jan 2024 abaare 12:20 AM ayeey Khawaarijtu si dhagar ah, walxa qarxa usoo dhigeen Suuqa Marwaas gaar ahaan Kaalin Shidaal ee Degmada Xamarweyne. Ciidamada Amaanka ayaa dadka ka badbaadiyay, goobta xiray. Isla markaana, qarxiyay abaare 01:00 PM Duhurnimo,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir.

Ciidamada dowladda ayaa sidan oo kale hore u fashiliyay qaraxyo ay kooxda Al-Shabaab doonaysay inay ku waxyeelayso shacabka caasimada, xilli uu dalka ka socdo guluf dagaal oo ka dhanka ah kooxda, kaasi oo ay iska garabsanayaan ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada kala duwan ee ka howlgala caasimada ayaa kordhiyey howl-gallada ka socdo magaalada Muqdisho, si looga hortego weerarada qaraxyada ah iyo dilalka ka dhacay caasimada.

Si kastaba, Amniga Muqdisho ayaa soo reysanayay bilihii dambe, ayada oo laamaha ammaanka oo kaashanaya ganacsatada ay ku guuleysteen in goobaha ganacsiga lagu xiro inta badan Kaamirooyin, si loo helo raad-raac amni, ugana qeyb qaatan xaqiijinta amniga caasimada.