Sababta ka dambeysay dil wadareeedkii 5 isku qoys ah loogu gaystay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaafadda Kaawo Godey ee magaalada Muqdisho waxaa xalay ka dhacay fal argagax leh kadib markii si wadar ah hal meel loogu dilay qoyska reer Abshirow,.

Kooxda weerarka soo qaaday ayaa shan qof goobta ku dilay halka 4 kale la dhaawacay.

5-ta qof ee dilay oo ilmo adeer ahaa waxaa ay joogeen guriga Xuseen Abshirow, oo ku yaalo Wadajir, ee koonfurta Muqdisho, waxaana ku jira cunug yar.

Dadka dhaawaca ah waxaa ka mid ah Cusmaan Abshirow  iyo walaashiisa, waa 4 qof, waxaana lagu dhabiibayaa Cusbitaalka Daaru Shifa ee Magaalada Muqdisho.

Mas’uul ka tirsan qoyska reer Abshirow ayaa sheegay in arrintan ay tahay aano qabiil, oo la xiriirta dagaallada gobolka Shabeellada Hoose.

Gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxaa sanadihii dhowaa ka taagnaa colaad ba’an oo u dhaxeysa laba bee loo gobolka wada dega, kuwaas oo marar badan dad isaga laayey aano qabiil.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com