Ma dastuurka dalka ayaa qaldan mise Cali Maxamed Geedi iyo Salaad Cali Jeelle?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Magaalada Muqdisho waxay Maanta ku jirtaa Xaalad cabsi ah kadib markii la sheegay inuu dhici doono banaanbax aad u weyn oo looga soo horjeedo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Banaanbaxaas waxaa kasoo horjeestay Siyaasiyiin iyo Culumo lagu tiriyo inay Dowladda Soomaaliya ka qaataan lacag si ay u taageeraan.

Waxaana saacadihii ugu danbeeyay warbaahinta dowladda ka hadlayey siyaasiyiintaas iyo culimadaas taageeraya dowladda oo mamnuucay inay Shacabka qabtaan banaanbaxyo.

Dadka ka hadlay inaan bannaanbax la qaban karin waxaa ka mida siyaasiyiinta Salaad Cali Jeelle, Cali Maxamed Geedi, Sheekh Nuur Baaruud, Sheekh Cali Wajiis, Taliyaha ciidamada Booliska, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale, waxayna bannanbaxa ku tilmaameen mid qas looga damacsan yahay oo lagu abuurayo nabadgelyo darro.

Midda ugu yaabka badan ayaa ah in Xildhibaannada, Culimada iyo Siyaasiyiinta taageersan dowladda ay  bannaanbaxyada shardi uga dhigay inay fasax ka qaataan dowladda iyo maamulka Gobolka Banaadir balse waxay hilmaameyn in Dastuurka Dalka u yaal uu iyaga ka weyn yahay.

Dastuurka Kumeel gaarka ah  ee lagu dhaariyey madaxweynaha Soomaaliya ayna ku dhisan tahay dowladda waxaa ku cad in la qaban karo bannaanbax iyadoo aan weliba fasax loo baahneyn.

HOOS KA AKHRISO QODOBKA DASTUURKA

Qodobka 20aad.

Xorriyadda Kulanka, Bannaanbaxa, Cabashada iyo Codsi-wadareedka

(1) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu abaabulo, kana qaybgalo kulammo ama bannaabax oo si xasilooni ah cabasho loogu muujinayo, iyada oo aan oggolaansho loo baahnayn.

(2) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu cabasho qoraal ah u gudbiyo hay’adaha Dawladda

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com