Somaliland oo ka hadashay ujeedka safarka Muuse Biixi ee Imaaraadka Carabta

Hargeysa (Caasimada Online) ― Sida wararkii hore ee Caasimada Online idinku soo tabinay, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta waxa uu safar aan horey la shaacin ugu ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta.
Haddaba, Xukuumada Somaliland ayaa war kasoo saartay safarkan Madaxweyne Biixi, iyada oo ku sheegtay inuu yahay safar shaqo oo deg-deg ah, kaasi oo qaadan doona muddo labo cisho ah.
Wasiirka Arrimaha dibeda Somaliland Yaasiin Faratoon, oo goordhoweyd warbaahinta faah-faahin kooban ka siiyey safarkan Madaxweyne Biixi, ayaa wuxuu yiri “Waxan umadda reer Somaliland u sheegaya inuu jiro socdaal uu Madaxweynaha Somaliland ugu baxay dalka Imaaraadka, waana socdaal gaaban oo aan maalin iyo labo dhaafsiisneyn oo uu shaqo ugu baxay Madaxweynuhu”.
Wuxuuna intaas kusii daray Wasiirku “Waxay ku saabsantahay un xiriiradii, wax wada qabsigii iyo iskaashigii horeba uga dhaxeeyay labada dal, ayuunbu socdaalkaasi ku saabsanyahay, sidan u sheegayna waa socdaal gaaban oo shaqo, waxaana raacaya xubno xukuumada kamid ah, waana socdaal gaaban oo wakhtigii gaadhay oo si deg-deg ah oo ay arrintiisu u dhalatay, markana uu madaxweynuhu ugu baxay”.
Wasiir Faratoon ayaa gebi ahaan iska diiday su’aalo ay warbaahintu rabtay inay ka weydiiso socdaalkan deg-deg ah ee Madaxweyne Biixi ugu baxay dalka Imaaraadka.
Wararka ay Caasimada Online helayso ee ku saabsan ujeedka safarkan Biixi, ayaa waxay sheegayaan in safarka uu la xiriiro xaalado caafimad oo dhowaan soo wajahay madaxweyne Biixi.
Madaxweyne Biixi ayaa waxaa la sheegay inuu xanuun dhanka madaxa ah hayo, inkasta oo aan si rasmi ah loo ogeyn waxa uu yahay, islamarkaana baaritaan lagu sameyn doono inta uu joogo Imaaraadka Carabta.
Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa