Sababta keentay in wasiirkii awqaafta xilka laga qaado iyo fadeexadda musuq-maasuq ee xukuumadda

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xasan Macallin Xuseen waxaa wasiirka Awqaafta iyo arimaha diinta u magacaabay Ra’isul wasaare Xasan Cali kheyre   22-kii bishii May ee sanadkan 2018-ka, waxaana xilkan uu hayay muddo ku siman labo bilood.

Wasaaradda waxey shaqadeeda ugu badan tahay maareynta arimaha xajka iyo cumrada oo loo aado magaalooyinka Barakeysan ee dalka Sacuudiga iyadoo kaa shaneysa shirkado gaar loo leeyahay kana shaqeeya duulimaadyada oo awood badan yeeshay tan iyo wixii ka dambeeyay burburkii dalka , waxaana qaarkood wax ku leh siyaasiyiin iyo xubno ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa isla sanadkan waxa ay qiimo dhimis ku sameysay qiimaha xajka lagu aado oo markii hore ahaa $3,800.00 oo doller waxana ay ka dhigtay $3,300 iyadoo tixgelineysa cabasho xujeyda ka gudbiyeen lacagaha faraha badan ee xajka looga qaato, oo ay ku jiraan dhammaan adeegyada xajka kala duwan sida deegaanka, basaska, nolosha 6da maalmood xajka, viisaha, diyaaradda duulimaadka sii socod iyo soo socod iyo qarashaadka adeegyada kale.

Markii uu qoraalka lacagtaasi lagu dhimayo soo baxay waxaa bilowday muran iyo khilaaf xoogan, shirkadaha ayaan cabasho ka gudbiyay wasaaradda awqaafta iyo arimaha diinta, waxaana xusud mudan in wasaaradda ay lacag dhimista kala tashatay shirkadahan:

1: Shirkadda Daalo Airlines

2: Shirkadda Jubba Airways

3: Shirkadda Ocean Airways

4: Shirkadda African Express

5: Shirkadda Freedom Airlines

Waxaa kaloo muhiim ah inaad ogaato: muddo  kahor adeegga xajka waxa fududeyn jiray guud ahaan Soomaaliya labada shirkadood ee kala ah  Jubba Airways iyo Daalo Airlines oo iska heystay mashruucan wasiir walbo oo la magacaabana iyaga ayuu ku aragti ahaan jiray, waxa ayna wasaaraddu ku soo dirtay 3 shirkadood oo cusub, sidaas awgeed 5 shirkadood ayay wasaaraddu kadhigtay shirkadaha fududeynaya adeegga xajka sanadkan, waana halka saldhigga u ah muranka arimaha xajka.

Sida caadiga ah shirkadaha u adeegga Xujeyda waxaa Wasaaradda Xajka ee Dowladda Sacuudigu ka doonaysaa in ay buuxiyaan shuruudo dhowr ah si shaqadaas u qabtaan, haddaba shirkadaha cusub ee lagu soo daray shirkadaha bixinaya adeegga xajka sanadkan waxaa ku adkaatay in ay buuxiyaan shuruudaha ay boqortooyada Sucuudigu uga baahan tahay in laga helo shirkad walba oo qabaneysa ama fududeyneysa adeegga xajka.

Waxaase  soo ifbaxday in shirkadaha cusub  ay diyaar u yihiin inay qabtaan adeega xajka iyadoo xujaydu ay ku sii hakan  doonaan (transit) wadamada deriska sida Djabuuti iyo Kenya  oo horay aan u jirin.

Shirkadaha cusub oo wasaaradda ku soo dartay ayaa kala ah Ocean Airways, Freedom Airlines iyo African Express waxaana ay sheegeen in ay  diyaar u yihiin  qiimaha xajka iney ku qabtaan sidii wasaaradda awqaafta soo saartay oo ahaa 3,300.00 (Saddex kun iyo saddex boqol oo dollar) halka  Shirkadaha   Jubba Airways iyo Daalo Airlines,  ay rabaan inay qiimaha xajka ku qabtaan sidii sanadihii hore oo ahaa $3,800.00 (Saddex kun iyo siddeed boqol oo dollar).

Sababta keentay in xilka laga qaado Wasiirkii Awqaafta iyo arimaha diinta Xasan Macallin Xuseen ayaa ah  inuu dhexda ka galay is qabqabsi ka taagnaa Arrimaha Xajka oo ay isku hayeen shirkado horay u heystay leenka Xajka iyo shirkad kale oo ay qeyb ka yihiin siyaasiyiin iyo xubno ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya.

Dowladda Sacuudiga ayaa Wasiirka si rasmi ah ugu sheegtay inaan la aqbali karin shirkadaha cusub isla markaasna Jubba iyo Daalo ay yihiin shirkado leh System iyo guryo la dajiyo Xujeeda.

Dowladda Sacuudiga ayaa Wasiirka usoo bandhigtay laba shurudoo:

1) In xajka loo dhaafo Shirkadihii horey u heystay maadaama waqtiga xajka la joogo haddana aan laga gaarin in shirkado kale lagu soo daro.

2) in sanadkaan la baajiyo Xujeyda Soomaalida.

Wasiirka ayaa qaatay in loo dhaafo Shirkadihii hore isla markaasna wuxuu saxiixay in Jubba iyo Daalo ay howshooda wadan karaan waana sababta keentay in xilka laga qaado sida ay noo xaqiijiyeen illo wareedyo ku dhow wasiirka.

Waxaa la sii dhaafayaa xiligii uu soo bixi lahaa dal kugalka ama Fiisaha xajka, illaa haddana lama xareyn  oo waxaa  go’aan lagama gaarin  arimaha kor ku xusan oo la isku hayo, iyadoo laga cabsi qabo wali in Xujeyda Soomaaliyeed ay baaqdaan sanakdan.

Xajka ayaa noqday ganacsi laga sameeyo dhaqaale badan taas oo sababtay in uu billawdo tartan xoogan oo ka dhexeeya shirkadaha duulimaadyada dalka, waxaana suurta gal ah in shirkadaha faa’ido doonka ah ay waxyeelo u geystaan gudashada ruknigan weyn ee ka midka ah shanta tiir  ee Islaamku ku dhisanyahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com