Sababtii uu Thaabit Cabdi u doonayey in amniga Muqdisho lagu wareejiyo

Thabit Cabdi, 9 bilood ayuu madax ka ahaa Muqdisho wuxuu inta badan qudbooyinkiisa ku codsan jiray in lagu soo wareejiyo amniga caasimada lagulana xisaabtamo wixii dhaca, laakiin madaxda sare midaa waa diideen.

Madama xiligaan uu amnigu faraha ka baxay, xalay ayaan Teleefoonka kula hadlay isagoo jooga Nairobi. Waxaan ku iri dhowr jeer ayaad codsatay in amniga Muqdisho laguugu wareejiyo, isla xisaabtana aad ogashahay, maxaa mar walba u door-bideysay arrintaas, adigoo ujeeda sida uu xaalku yahay iyo halista taagan?.

Wuxuu mudane Thabit Ab iigu jawabaay

” Hadii uusan amniga Muqdisho lahaanshiyo yeelan, oo heer gobal iyo isla xisaabtan aan la waafajin waxba ma hagaagayan, anigu amniga aragti ayaan kalahaa, inaan wax ka qaban karo ayaana ii muuqatay, wuxuu maamulkeygu diyaariyay qorshooyin iyo daraasado ka koobnaa 265 bog oo la xiriiray amniga Muqdisho, oo qubaro Soomaali iyo ajaanib ah ay wax ka diyaariyeen, sidaas ayaana u codsanay in amniga caasimada la hoos keeno maamulka gobalka Banaadir.

Ma kula tahay in Thabit Cabdi lasoo celiyo oo markii ugu horeysay loo ogolaado inuu amniga caasimada maamulo, qorshihiisana ku dabaqo ?

Waxaa Qoray 
Abdullahi Osman Farah