Sacdii Deni oo qaaday tallaabo culus, kadibna magacaabay…

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo ku aadan doorashada guud ee Puntland, isaga oo magacaabay guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka baarlamaanka maamulkaasi.

Guddigan oo ka kooban illaa 8 xubnood ayaa waxaa wareegtada lagu sheegay in madaxweynuhu ku xushay aqoontooda, waayo aragnimadooda iyo baahida loo qabo in waqtigaan la magacaabo guddigan, iyadoo doorashada guddoonka baarlamaanka iyo madaxtooyadu ka harsan yihiin muddo kooban.

Wareegtada ayaa lagu yiri “Waxaa loo magacaabay Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka Golaha Wakiillada Puntland xubnaha hoos ku xusan oo kala ah: –

  1. Isxaaq Axmed Xasan (Guddoomiye )
  2. Siciid Xirsi Bulxan (Xubin)
  3. Cabdi Cabdullaahi Xaashi (Goley) (Xubin )
  4. Cabdirashiid Saleebaan Geelle (Xubin )
  5. Faarax Cabdi Dhalac (Xubin)
  6. Nabadoon. Maxamuud Maxamed Axmed (Xubin)
  7. Axmed Cabdi Cali (Xubin)
  8. Yuusuf Suudi Cabdi (Xoghayn)

“Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay” ayaa mar kale lagu yiri wareegtada.

Magacaabistaan ayaa kusoo aaday, ayada oo haatan uu khilaaf xoogan uu ka dhex-qarxay Deni iyo ku xigeenkiisa, kaas oo ka dhashay muranka weli ka taagan doorashooyinka.

Sidoo kale waxaa laba garab kala noqday xildhibaanada baarlamaanka, waxaana qaarkood ay ka horyimaadeen muddo kororsiga halka sano ah, kuwa kalena ay taageereen, kuwaas oo sidoo kale ku gacan seeray go’aankii kasoo baxay maxkamadda dastuuriga ee Puntland.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqonaan, waxaase lagu soo dhawaanayaa maalinta doorashada oo qorshuhu yahay in la qabto kama dambeys siddeeda Janaayo ee 2024-ka.