Saciid Deni oo DF u jeediyey baaq ku aadan Galmudug

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa Dowladda Federaalka ugu yeeray inay joojiso fara-gelin uu sheegay inay ku hayso dhismaha maamulka cusub ee Galmudug.

Siciid Cabdullaahi Deni oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee BBC ayaa sheegay in reer Galmudug ay dhameysan karaan arrimahooda gaarka ah, iyadoona uu ku baaqay in laga daayo fara-gelinta lagu hayo.

Madaxweynaha Puntland ayaa ka war wareegay su’aal ahayd inay iska warqabaan Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), oo khilaaf uu kala dhaxeeyo Dowladda Federaalka.

“Sida aanaan anaguba u jeclayn in aan faraha lala-gelin arrimaheena hoose ayay Puntland iyaduna u ixtiraamaysaa maamul walba arrimhiisa gudaha ah.” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha oo sii hadlayay ayaa yiri “Waana shay dabiici ah inay aragti kala duwanaan iyo khilaafaad dhacaan xilliga doorashada, laakiin waxaan ku ixtiraamaynaa dadka reer Galmudug inay arrimahooda dhameystaan.”

Madaxweyne Deni ayaa yiri “Dadka reer Galmudug waa dad soo jireen ah, waxay qayb ka qaateen xorriyaddii dalka, waxay aasaas u yihiin midnimada Soomaaliyeed, waa dad Somaliya xudun u ah, intaas iyo ka badan ayay ku filan yihiin, marka waxaan rajeynayaa in hawlaha Galmudug loo daayo dadka reer Galmudug.”

Dadka la dhacsan Siyaasadda Villa Somalia ayaa maalmihii ugu dambeysay barraha bulshada asxaabtooda kula wadaagayay warar ku aadan in diidmada Madaxweyne Xaaf ay timid, ka dib markii uu u soo meeriyay Madaxweyne Deni.

Tallaabada uu Xaaf horaantii bishan kaga soo horjeestay dhabaha loo marayo dhismaha Galmudug ayaa xoojisay khilaafka raggaadiyay doorashada Galmudug.

Doorashada lagu wado inay ka qabsoomto Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa waxaa hareeyay khilaaf marba weji lahaa.