26 C
Mogadishu
Thursday, June 19, 2025

DENI oo guddoomiyey shir xasaasi ah oo ku saabsan dagaalka Daacish + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maant shir-guddoomiyay kulan ay yeesheen labada Gole ee maamulka oo ku saabsan hawl-galka argagixisada Daacish looga sifeynayo Puntland ee ka socda buuralayda Calmiskaad.

Kulanka ayaa marka hore lagu boggaadiyey guulaha laga gaaray hawl-galka wejiga koowaad iyo bilowga wejiga labaad, waxaana laga tacsiyeeyay ciidanka Geesiyaasha ah ee ku shahiiday intu hawl-galka socday, iyadoo inta dhaawacantayna loo rajeeyay caafimaad iyo soo kabasho deg-deg ah.

Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay guddiyada ka shaqeenayey hawl-galka, iyadoo qorshuhu yahay in dhakhso lagu soo afjaro inta maleeshiyaadka Daacish ee weli ku dhuumaleysanaya buuraha gobolka Bari.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyay shacabka reer Puntland u muujiyeen isku duubni iyo garab istaag ciidan, isagoo muujiyey in ay tahay wax loo baahan yahay in dadka reer Puntland dowladd iyo shacab qof walbo xil gaar ah iska saaro hal ganka lagu jiro.

“Qofna yuu qof ku haleyn, wixii la xiriira sifeynta argagixisada,” ayuu yiri madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Kulanka waxaa ka qeyb-galay guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdirisaaq Axmed Saciid iyo guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Maxamed Baari Shire, Xildhibaan baarlamaanka Soomaaliya Gen. Bashiir Ameerico, xubnaha goleyaasha dowladda ee ku sugan Boosaaso, guddiga taakuleynta hawl-galka, saraakiisha amniga, guddoomiyeyaasha gobollada Bari iyo Nugaal, guddoomiyaha degmada Boosaaso, la-taliyeyaal madaxweyne iyo xubno kale.

Dagaalka Daacish oo maamulka Puntland uu jilba dhigtay horraantii sanadkan ayaa waxaa laga gaaray guullo wax ku ool ah, iyadoo oo kooxda laga burburiyay saldhigyo muhiim ah oo ku lahaayeen buuraha gobolka Bari, waxaana haatan loo gudbay wejiga labaad oo la rajeynayo in horumar wanaagsan laga sameeyo.

- Advertisement -

Read more

Local News