Saciid Deni oo ka baxsaday ceeb uu meel fagaare ah ku dhex-joojin rabay Qoor Qoor

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa iska fogeeyey ceeb uu meel-fagaare ah ku dhex joojin lahaa dhiggiisa Galmudug Axmed Qoor Qoor kadib markii uu isku dayey inuu kaftan ka dhigo boobka doorashada, xilli ay ka wada qeyb-galeen munaasabadda xuska sanad-guuradii saddexaad ee doorashadii Lafta-gareen ee habeen hore.. 

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, oo u muuqda inuu qarinayo boobka doorashada, naftiisana ceebeynaya, ayaa sheegay in wixii eed ahaa ee doorashada la xiriiray ay 80% qaateen isaga iyo dhiggiisa Koonfur galbeed Cabdi Caziz Lafta-gareen.

Qoor Qoor ayaa kadib ugu baaqay madaxweynaha Puntland Saciid Deni inuu doorashada billaabo, oo uu dowlad goboleedyada kale la qeybsado eedaha 20% ee dhimman, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweyne Saciid ayaa fadhiyo caawa xoogaa ayuu dib dhigay, hadda ayaan ka sugeynaa inuu eedda dhiniciisa ka qaato, eedda badan inaga ayaa qaadanayey inta kale qaado adigu, waxyar ayaa haray 80% aniga iyo Cabdicaziz ayaa qaadanay 20 qeybsada intiina kale,” ayuu yiri Qoor Qoor.

Hase yeeshee, Deni ayaa iska leexiyey hadalka Qoor Qoor, isaga oo sheegay in aanu raaci doonin waddada ay u mareen doorashada balse uu wax fiican qaban doono.

“Saaxiibada halkan ka hadlay, madaxweyne Qoor Qoor, haddii uu yiri 80% innaga ayaa qaadanay, Insha Allah qaladka inta ka dhimanna iyaga ayaa iska qaadanaya, innaga wax wanaagsan ayaa daba dhigi doonaa, wax wanaagsan inay hagaagaan baan rajeyneynaa, dalkana doorasho lagu qanasan yahay inay ka dhacdo ayaan rajeyneynaa,” ayuu yiri Deni. 

Haddaba, kadib haddalada kulul ee ay is dhaafsadeen madaxweyneyaasha Puntland iyo Galmudug, waxaa isna gabagabadii goobta ka hadlay madaxweynaha Koonfur galbeed isaga oo isku dayey inuu dib ka saxi hadalka qoorqoor.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicaziz Lafta-gareen ayaa intaas kadib isku dayey inuu Qoor Qoor ka saxo hadalkiisa gefka ahaa.

 “Hal arrin oo muhiim ah, oo madaxweyne Qoor Qoor uu sheegay, madaxweyne Saciid-na uu dambi nooga dhigay inaan faahfaahiyo, madaxweyne Qoor Qoor 80% innaga ayaa dabmi galnay ma dhihin, cabashadan ninkii xusuusan ayaa xusuusan, hal qof oo golaha shacabka aan lasoo dooran ayaa waxaa la dhahayey doorasho ayaa la boobayaa, xataa ma la gaarin yaa…maxaa la boobaa, doorasho ayaa la galay, 4 qabiil ayaan u qabanay, yaan ka boobnay, qabiilkii iska lahaa baa la doortay, micnaha waxba lagaama sheegi doono ayaa laga wadaa ee ma ah inaga ayaa qalad sameynay,” ayuu yiri Qoor Qoor. 

Qoor Qoor iyo Lafta-gareen ayaa ah labada madaxweyne goboleed ee sida ugu darran u boobay doorashada.

Koonfur galbeed marka laga soo tago in kuraasta dad gaar ah loo xiray hadana waxaa dib loo celiyey kursiga loo diiday inuu u tartamo guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Dhanka Galmudug, waxaa si muran ku jiro lagu soo saaray agaasimaha NISA Yaasiin Fareey iyada oo loo diiday in lagula tartamo halka Somaliland ay soo baxeen xildhibaanno dood laga keenay, lana hakiyey sababo la xiriira boob.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii