KENYA oo ciidamadii ugu badnaa soo dhoobtay xadka Soomaaliya + Sababta

Nairobi (Caasimada Online) – Wararka laga helayo deegaanada ku yaalla xadka Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadihii ugu dambeeyey ay Kenya soo dhoobtay ciidamo dheeraad ah oo sugaya amniga, inta lagu jiro maalmaha dhammaadka sanadkan 2021-ka.

Booliska Kenya ayaa shaaca ka qaaday in la geliyey heegan buuxa, si ay uga hortagaan suurtagalnimada weeraro ay fuliyaan xoogaga Al-Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya.

Kenya ayaa sidoo kale u yeertay askarta fasaxa ku maqan, si ay dhankooda qeyb uga noqdaan dhaq-dhaqaaqyada cusub ee haatan ka socda xadka labada waddan.

Ciidamada ayaa bilaabay howl-gal cusub oo loogu magac daray ‘sugidda nabadda maalmaha dhammaadka sanadka’ sida uu shaaca ka qaaday taliyaha Booliska ee dalka Kenya oo ugu baaqay shacabka iyo ciidamada inay muujiyaan feejignaan dheeri ah.

Sidoo kale jidadka isku xira deegaanada ku yaalla xadka ayaa laga bilaabay baaritaano dheeraad ah oo lagu hubinayo gaadiidka, si looga hortago weeraro dhaba-gal ah oo ay markale Al-Shabaab ku qaadaan dadka isaga kala gudba is-maamullada ka jira halkaas.

Arrintan ayaa uga sii dareysa dhaq-dhaqaaqyadii horay uga jiray xadka ee u dhexeeyey Al-Shabaab iyo ciidamada Kenya oo marar kala duwan isku fara saaray gobolka Waqooyi Bari.

Dadka deegaanka ayaa dhankooda waxaa soo wajahday cabsi xoogan oo ka dhalatay xaaladaha amni ee soo kordhay iyo ciidamada haatan la geeyey xuduuda.

Si kastaba, muddooyinkii u dambeeyey kooxda Al-Shabaab ayaa sare u qaadday weerarada ay ka fuliso gudaha Kenya, kuwaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii