Saciid DENI ‘oo raali-galin ka bixiyay’ hanaankii u maamulay kuraas kamid ah BF

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Siciid Deni oo kulan xasaasi ah la yeeshay Isimada gobolka Mudug ayaa waxa uu raali-gelin ka bixiyay habkii u maamulay kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay gobolka Mudug.

Isimida ayaa dhankooda ka aqbalay raali-gelinta deni oo isagu sheegay inuu kasoo hoyday boobkii kuraasta Golaha Shacabka ee gobolka Mudug iyo tixgelin la’aantii dhaqanka beesha ee doorashadii 2022-ka, sida ay ogaatay Caasimada Online.

“Boobkii kuraasta iyo xad-gudubkii dhacay ee aad sanadkii 2022-ka geysatay haddaad kasoo hooyatay waa aqbalnay hoyashadaada,” ayay Isimida uga jawaab celiyeen kasoo hoyashada Deni ee boobkii doorashada.

Xogaha aan ka helayno kulankaan ayaa waxay sheegayaan intii uu socday madaxweyne Saciid Deni uu sidoo kale ka codsaday Isimada gobolka Mudug inay maamulkiisa kala shaqeeyaan hirgalinta doorashada dowladaha hoose ee gobolka Mudug, xilli gobolkaan uu kamid yahay meelaha laga saluugsan yahay qaabka uu maamulka Deni u wado doorashada qof iyo cod.

Inkasta oo Isimada iyo odayaasha Mudug aySaciid Deni ka qaateen raali-galinta uu ka bixiyay hanaankii uu umaamulay doorashadii xulista Baarlamaanka ayaa haddana waxay uga digeen inuu qabto doorasho qalaalase ka dhasho, xilli uu meel sare gaaray khilaafka siyaasadeed ee maamulka Puntland.

“Doorashada goleyaasha deegaanka ee aan heshiiska lagu aheyn hbaraacooda iyo natiijada ka dhalaneysa waxay khatar ku yihiin xasiloonida dalka iyo doroashada madaxweynaha waa inay wakhtigeeda ku dhacdaa.”

Madaxtooyadda Maamulka Puntland ayaa weli ka hadlin kulankaan waqooyiga magaalada Gaalkacyo ku dhexmaray Isimida gobolka Mudug iyo madaxweyne Saciid Deni.

Si kastaba, madaxweynaha Puntland iyo Isimida Puntland ayaa hore ugu kala fogaaday boob qaawan oo uu kula kacay doorashadii xildhibaanada maamulka ku matalayay labada aqal ee BF, wuxuuna u muuqda kulankaan iyo cudur daarka uu bixiyay Deni mid uu ku raadinayo nafis siyaasadeed, xilli ay maamulka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo looga soo horjeedo damiciisa guracan.