Xasan oo Villa Somalia ku qabtay shirka golaha dhaqaalaha qaranka, oo lagu meel-mariyay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir heerka sare oo Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa maanta ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada Qaranka, kaasi oo uu shir-guddoomiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirkan ayaa waxa goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, iyo xubnaha Guddi-hoosaadka Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirrada.

Shirka heerka sare ee golaha dhaqalaaha qaranka oo markii ugu horaysay qabsoomay ayaa looga hadlay arrimaha mudnaanta u leh siyaasadda horumarinta dalka iyo dardargelinta barnaamijyada dib u soo kabashada dhaqaalaha qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir-guddoominayay shirkaan ayaa si qotadheer u faah-faahiyay sida ay dawladdiisa uga go’an tahay soo noolaynta dhaqaalaha dalka iyo dhammaystirka hannaanka dayn cafinta oo hadda meel fiican maraya, isaga oo golaha dhaqaalaha qaranka iyo xukuumadda jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ku boorriyay in la curiyo, lana hirgeliyo hindisayaal ka qayb-qaata koboca iyo horumarka dhaqaale ee dalka.

Intaas kadib golaha dhaqaalaha qaranka ayaa warbixinno kala duwan ka dhegaystay la-taliyayaasha dhaqaalaha qaranka oo ah laanta farsamo ee golaha, iyaga oo soo bandhigay qorshaha muddada fog ee diyaarinta hiigsiga qarniga ee 2060 iyo qorshaha lagu maaraynayo marxaladda ka dambaysa dayn cafinta iyo xoraynta dalka.

Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa isku raacay in dalka uu yeesho hiigsiga 2060, iyaga oo meel-mariyay talooyinkii ka soo baxay wajiga 1-aad ee geeddi-socodka diyaarinta hiigsiga 2060, sida lagu shaaciyay war-murtiyeed ay Villa Somalia kasoo saartay shirkaan.

Sidoo kale, Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa faray La-taliyayaasha Dhaqaalaha Qaranka inay dardar-geliyaan wajiyada xiga ee diyaarinta iyo dhammaystirka hiigsiga, sida wada-tashiyada lala yeelanayo qaybaha kala duwan ee dadweynaha, shirarka iyo cilmi-baarista lagama-maarmaanka u ah diyaarinta hiigsiga.

War-murtiyeedka ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in golaha usoo jeediyay xukuumadda federaalka Soomaaliya in la ansixiyo diyaarinta hiigsiga 2060 iyo meel-marinta talooyinka ka soo baxay heerka farsamo ee golaha dhaqaalaha qaranka.

Golaha ayaa waxa uu sidoo kale isla meel-dhigay in hiigsiga 2060 uu noqdo dukumentiga hagi doona dhammaan qorshahayaasha horumarineed ee dalka, si loo xaqiijiyo Soomaaliya xasilloon, barwaaqo ah, dadkeeduna haystaan nolol tayadeedu sarrayso.

Ugu dambayntiina waxa uu goluhu soo jeediyay in mudnaan gaar ah la siiyo dadejinta dhammaystirka qorshaha maaraynta marxaladda deyn cafinta ka dambaysa (Post-HIPC Plan).