SACIID DENI oo xil sarre u magacaabay SARKAAL ka soo goostay SOMALILAND

Garoowe (Caasimada Online) ― Madaxweynaha maamulka Puntland, Saciid Cabdulaahi Deni ayaa maanta S/Guuto Caydiid Axmed Nuur Siciid u magacaabay Taliye Xigeenka 2-aad ee Ciidanka Booliska Maamulka Puntland.

Caydiid ayaa kamid ahaa Saraakiil hore uga soo goosatay Somaliland, kuwasi oo ku biirey maamulka uu hogaamiyo Madaxweyne Saciid Deni.

Hoos ka aqriso wareegtada uu Madaxweyne Deni ku magacaabay Sarkaalkan:

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xeer Madaxweyne Lr-62, Ogoosto 19, 2019 ku magacaabay Taliye Xigeenka 2-aad ee Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.
Markuu Tixgeliyey: Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Hawl-karnimadiisa ciidanimo
Wuxuu Xeeriyey:

1 – Waxaa S/Guuto Caydiid Axmed Nuur Siciid loo magacaabay Taliye Xigeenka 2-aad ee Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Xeerarkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com