Xukuumada Biixi oo si kulul uga jawaabtay fadeexada uu ku furay Shiikh Adan Siiro

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ka jawaabtay eedihii uu dhawaan u jeediyey Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xirsi [Sheekh Aadan Siiro].

Sheekh Aadan Siiro ayaa hore xukuumada Madaxweyne Biixi iyo qoyskiisa ku eedeyay inay ku takri-falaan awoodii dowlada, isla markaanay ay sifo qaldan u adeegsadaan dhaqaalaha iyo awooda xukuumada.

Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka horumarinta maaliyada Somaliland ayaa xukuumada uu ka tirsan yahay ka difaacay eedahaasi, isagoona sheegay in Madaxweynuhu marnaba uu ku takri-fali karin dhaqaalaha xukuumada, wuxuuna yiri

“Sheekhu siduu sheegay maaha ee way ka duwantahay, sideedaba dawladu waxay ku shaqaysaa waa miisaaniyad miisaaniyadaasina waxay leedahay ilo ay ka soo baxdo, waxaanay leedahay madaxyo ay ka baxdo, wasaarada marka la qorshaynaayo wasaarad iyo hay’ado walba oo dawladeed qayb ayaa la siiyaa”.

“Qaybtaas la siiyo laftigeeda hoos ayaa loogu sii daadagaa oo shay waliba waxa uu leeyahay qoondayn, markaas miisaaniyadeedna 47% waa mushahar anigu mushahar ma haysan karo madaxweynuuna ma haysan karo mushaharka waa in la siiyo cidii lahayd sida bajadka ku cad, hay’ad walba intii u qorshaysnayd ayaa la siiyaa sida ku cad miisaniyada”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Miisaniyada 28% waa hawl socodsiin shidaal, dayactir iyo safar kaasina sidiisa ayuu u baxaa anigu ma hayn karo ileen hadii kale hawshu ma soconaysee waxa soo hadhay 20% kuwaasina waa mashaariicda oo mashaariicdii ka soo wareegtay 2018-kii waanu sii wada daynay”.

“Mashaariicdii 2019-ka waxii aan baabuur ahayn waanu sii wada daynay waxa lacag ah oo nagu baaqday oo aanu meel dhiganay ma jiraan, wixii noo soo xarooday ee cashuurta ahaana shilin waliba waxa uu maray halkii loogu talogalay sida ay miisaaniyadu odhanayso fikir khalad ah ayaa laga haystaa wasaarada maaliyada dad badan waxay u haystaan meel sanduuq weyn leh oo lacagtu ku soo xarooto dabadeedna qofka mas’uulka ka ah wasaarada maaliyada madaxweynuhuna sida uu doono inuu ugu tagrifali karo maaha sidaas”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com