Saciid Deni ra’iisul wasaare ma ku heli doonaa kaalintiisii isbedalka dalka mise dagaal labaad ayaa loo diri doonaa?

Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa lagu qeebsanayaa natiijada guul ay mucaarad iskaashato ah ka keeneen dagaal siyaasadeed oo ay la galeen Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaasoo dhinaca kale la aaminsan yahay inuu sababsaday qaladaadkiisii dowliga ahaa.

Mucaaradka oo labadii sano ee lasoo dhaafay saf dheer uu jiray inay Farmaajo bixiyaan, waxay ka koobnaayeen laba qolo. Koox ku xisaab ah Farmaajo, waa Deni iyo Axmed Madoobe, iyo koox ku xisaab ah madaxweynaha hadda la doortay Xasan Sheekh Maxamuud.

Laba cad oo waaweyn ayaa miiska saarnaa, mid waa madaxweynaha oo uu qaatay Xasan Sheekh Maxamuud midna wuxuu weli ku jiraa gacanta Xasan Sheekh waana kursiga ra’iisul wasaaraha.

Inay Farmaajo mucaaradaan Axmed Madoobe iyo Saciid Deni waxay qurxisay mucaaradnimada oo haddii ay diidi lahaayeen u ekaan laheyd mid beeleysan, walow mararka qaarna ay dhab tahay inuu Farmaajo isagu doontay dagaalka labadaasi maamul.

Hadda, Farmaajo waa baxay. Mucaaradkii Xamar kasoo jeeday waxay heleen kursigii madaxweynaha waxaana hadda si weyn loo eegayaa sida loola dhaqmi doono labada maamul oo iyaguna mucaaradka ahaa ee Jubbaland iyo Puntland.

Labada hoggaamiye ee labadaasi maamul waxaa la sheegayaa inay isku aragti ka yihiin kursiga ra’iisul wasaaraha.

Saciid Cabdullaahi Deni, oo laba xaaladba kaalin shaqsi ah ku lahaa waa dagaalkii badbaado qaran iyo natiijada doorashada 15-kii May ayaa la sheegayaa inuu si weyn u raadinayo xilka ra’iisul wasaaraha, balse waxaa si weyn u diidan koox ku dhow madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxay sheegayaan kooxdaasi inuusan Xasan maamuli karin Saciid Deni loona baahan yahay Ra’iisul wasaare uu madaxweynuhu adeejin karo, taasoo dhinaca kale dhaawac ku ah qiimaha kursiga ra’iisul wasaaraha.

Laba qof oo wada-shaqeyn karta waa la gartay, balse laba qof oo mid la leeyahay sax kuma ahan awoodaha is dheeli tiraya ee dowladda Soomaaliya.

Dadka siyaasadda ka faalooda waxay leeyihiin, haddii aynan Deni iyo Madoobe u bareeri laheyn dagaalkii Farmaajo jawiga sidaan waa ka duwanaan lahaa Maanta.

Hadda waxaa miiska lasoo saaray dood ah Saciid Deni abaal-gud siyaasadeed maloo siin doonaa kursiga ra’iisul wasaaraha mise waa dhammaan doonaan danihii kumeel gaarka ahaa ee mucaaradka.

Waxaa jira war sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh uu ballan-qaad ka dhacay intii lagu jiray hoolka doorashada oo Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ballan ra’iisul wasaare la galay, dad kala duwan oo goobta joogay ayaana sidaas laga soo xigtay, laakiin hadda waxaa jirta shaqo xooggan oo la rabo in lagu badalo ballan iyo heshiis wixii uu madaxweynaha horey u galay.

Xilligaan oo kale madaxda Soomaalida waxaa jihada ka lumiya dad xambaarsan dano gaar ah. Saciid Deni sida kaliya ee uu siyaasi xooggan kusii ahaan karo kuna difaacan karo damaciisa 2026 waa inuu helaa kursiga ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, ayey ku doodayaan dadka qaar, waxayna daliishanayaan sida ay u adag tahay inuu mar kale qaato hoggaanka Puntland.

Xafladda caleema saarka ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inay yimaadaan Deni iyo Axmed Madoobe, waxayna dad ku dhow dhow sheegayaan inay Xasan Sheekh la qaadan doonaan kulan wadajir ah oo la xiriira kursiga ra’iisul wasaaraha.

Kulankaas wuxuu noqon karaa mid jiheeya go’aanka kursiga ra’iisul wasaaraha ama mid toos loogu kala furto, sida aan kaso xiganay xubnaha la shaqeeya madaxda labadaasi maamul.

Markii indho siyaasadeed lagu eego Xasan Sheekh waa ku adag tahay inuu xilli hore lumiyo hoggaanka labadaasi maamul ee Puntland iyo Jubaland, waxayna dadka qaarkiisa qabaan in xataa haddii uu diido inuu Saciid Deni siiyo kursiga ra’iisul wasaaraha inuu dhinaca kale siin doono qof ay labada hoggaamiye ee Deni iyo Axmed Madoobe isku raacsan yihiin.