5 waxyaabood oo laga faa’iidi karo safarada madaxweyne Xasan Sheekh ee gobollada

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku guda jira safar uu ku marayo xarumaha maamul goboleedyada.

Xasan Sheekh oo dib loo doortay 15-kii May ayaa sugaya caleema saarkiisa oo ku beegan 9-ka bishaan tasoo la filayo inay kasoo qeybgalaan madax kala duwan oo caalami ah.

Shacabka iyo siyaasiyiinta ayaa aragtiyo iska soo horjeeda ka dhiibtay in waqtigaan uu madaxweynuhu aado maamul goboleedyada.

Dadka duraya safarkaan waxay sheegayaan in dalku uu abaar ku jiro safarka madaxweynaha ay lacag badan ku baxeyso, sidaas darteed waxay muwaadiniintaas aaminsan yihiin in laga maarmi karay boqolaalkaas kun oo lagu kabi karay gurmadka abaaraha.

Balse dhinaca kale ayaa iyaguna qaba in safarkaan uu wax ka tari karo xaaladaha waaweyn ee dalka ka taagan Maanta. Sheekadaan waxaan kusoo koobeynaa Shan arrimood oo faa’ido noqon kara oo uu dhali karo safarka madaxweynaha.

1-  Xasilooni siyaasadeed

Xasan Sheekh waxaa la doortay iyadoo shanta maamul goboleed laba ay mucaarad tahay saddexna ay muxaafid u tahay nidaamkii madaxweyne Farmaajo, Xasan oo isna mucaaradka ka tirsanaa waxaa la dul dhigay su’aal ah sidee ula dhaqmi doonaa hoggaanka maamuladii taabacsanaa Farmaajo?

Safarkaan waxaa la aaminsan yahay inuu keeni karo is aaminaad ku meel gaar ah oo u dhaxeysa madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxda maamuladii Farmaajo ku dhawaa.

Dadka madaxweyne Xasan Sheekh ku dhow dhow qaarkood waxay sheegayaan inuusan madaxweynuhu rabin in deg deg loo colaadiyo hoggaanka maamullada Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed, kuwaas oo aad ugu dhawaa nidaamkii laga adkaaday ee Farmaajo.

2- Xogta iyo iyo xaalka shacabka

Madaxweynuhu inta uu ku guda jiro safarkaan wuxuu fursad u heli doonaa inuu la kulmo qeybaha bulshada ee ku nool gobolada qaar.

Maadaama shantii sano ee lasoo dhaafay tabashooyinku badnaayeen waxyaabaha u baahan in madaxda cusub ogaadaan waa xaalka shacabka, waxa ay dowladda ka tabanayaan, dhibaatada abaaraha, amniga iyo arrimaha bulshadad.

Ogaanshahaas waxay madaxweynaha cusub u sixi doonta shaqooyinkiisa hor-tabinta leh ayey leeyihiin falanqeeyaashu.

3- Abaaraha iyo Indhaha beesha caalamka

Inkastoo ay jiraan dad ku doodaya in qarashaadka lagu bixinayo safarka madaxweynaha inay wacnaan laheyd in dhanka abaaraha loo leexiyo, haddana dhinaca kale waxaa taala dood sheegeysa in socdaalka madaxweynuhu uu indhaha beesha caalamka kusoo leexin karo xaaladda abaaraha ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh intii uu Baydhabo joogay wuxuu booqday xirooyin ay dagan yihiin dada ay abaaruhu soo barakiciyeen, waxayna kalmadihii uu halkaasi ka jeediyey dhali karaan inay deeq bixiyaasha caalamiga ah gurmadka Soomaaliya kordhiyaan.

4- Mudnaanta madaxweynaha

Safarka madaxweyne Xasan wuxuu dhinaca kale qeexayaa inuu madaxweynaha mudnaan xooggan siinayo mushkiladaha arrimaha gudaha iyo xalintooda waana arrin si weyn lo aqbali karo, waxaana jira dad badan oo taageersan in madaxdu muujiyaan mudnaanta arrimaha gudaha.

5- Taageero shacab

Kooxda madaxweyne Xasan Sheekh waxay sida muuqata baahi weyn u qabaan inay Xasan ka dhigaan madaxweyne shacbi ah.

Safarada gobolada iyo la kulanka dadweynaha ayaa la aaminsan yahay inay wax uun ka tari karaan sida kooxda madaxweyne Xasan Sheekh u raadinayaan dareenka shacabka.

Shantaas qodob iyo kuwa kale ayaa ka dhex muuqda safarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.