Shan qodob oo ay tahay in madaxweyne Xasan Sheekh uu ka qabto GALMUDUG

Galmudug waxaa maamul ahaan u dhisay Madaxweyne Xasan Sheekh. Welise maamul ahaan u ma fadhiisan oo waxaa ragaadiyay daneysi iyo damac siyaasadeed oo Villadu ay mar kasta ku farogalinaysay maamulka.

Madaxweyne Xasan oo mar kale fursad u helay inuu Villada fadhiisto, sidoo kalena fursad u helay inuu socdaalkiisii ugu horreeyay ee uu goballada ku marayo caawa halkaas ku tago, waxaa laga filayaa arrimo badan oo shantaan qodob ee soo socota ay ugu mudan yihiin:

1. In uu Madaxda maamulkaas oo Qoorqoor ugu horreeyo u damaanadqaado inay si nabad ah ku dhammeysanayaan muddo-xileedkooda oo aysan mar dambe dhici doonin in hadba kooxda Villada timaado ay meesha ka saarto madaxdii maamullada kuna beddelato kuwa ay iyagu wataan, 

2. In madaxa lagu qanciyo inay waqtigoodi inta ka hartay ku qaataan deegaanka, beddelkii ay safarro iyo socod macno-la’aan ah Xamar iyo meela kale ku wareegi lahaayeen. Taas waxay dhiirrigelinaysaa inuu maamulku noqdo mid dad iyo deegaan metela oo aanan ahayn saxiix iyo Tiimbare jeebka lagu sito oo diyaaradaha dushooda lagu isticmaalo, 

3. In ciidamadii magacyada bahallaha lahaa ee uu Farmaajo u diri jiray Dhuusamareeb si ay dadka u caburiyaan, hadda dib loo abaabulo oo halkaas loo qaado laguna jiheeylo howlgal dagaal oo lagu ciribtirayo Shabaabka culeyska ku haaya deegaanka,

4. Inay dawladda Federaalku si hagar-la’aan ah gacan uga geysato fulinta mashaariicda in muddo ah siyaasad ahaan u xayirnaa ee ay ku jiraan dhismaha dekadaha iyo kaabayaasha kale, si uu deegaanku u yeesho ilo dhaqaale.

5. Iyo in la dhiirrigeliyo qabashada shirweyne uu maamulka deegaanku isugu keenayo hoggaanka beelaha, waxgaradka, siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo dhammaan inta saameynta leh, si loo abuuro jawi isfaham oo looga gudbayo qalalaasihii iyo khilaafaadkii soo jiray tan iyo markii maamulka la aasaasay. Shirkaas waxaa lagu dhammeeynayaa tabashooyinka jira, waxaana loogu gogolxaarayaa heshiis bulsho oo si rasmi ah loogu qaabeeynayo dhismaha maamulka, wixii ka dambeeya marka uu dhammaado muddo-xileedka Qoorqoor.

W/Q: Maxamed Cabdullaahi Dhaaley

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid.