Riyadh (Caasimada Online) — Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa si rasmi ah u aqbashay magacaabista Maxamed Amiin Sheekh Cismaan ee danjiraha cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhin doona magaalada Riyadh, sida lagu xaqiijiyay dhambaal diblomaasiyadeed oo soo baxay Isniintii.
Ogolaanshan, oo luuqadda diblomaasiyadda lagu yiraahdo agrément, ayaa lagu caddeeyay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga oo loo diray Safaaradda Soomaaliya.
Warqadda oo ku taariikheysan 16-kii bishan Febraayo, ayaa jawaab u ahayd codsigii magacaabista ee ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya gudbisay 11-kii Disembar, 2025. Tani waxay waddada u xaaraysaa in danjire Maxamed Amiin uu si rasmi ah u guto waajibaadkiisa shaqo marka uu warqadaha aqoonsiga u gudbiyo Boqorka ama dhaxal-sugaha.
Maxamed Amiin Sheekh Cismaan ma aha shakhsi ku cusub saaхada siyaasadda iyo maamulka dowladda. Wuxuu horay xilal sarsare uga soo qabtay Madaxtooyada Soomaaliya (Villa Somalia), isagoo soo noqday Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada ee xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyo xilal kale oo dowladeed.
Wuxuu xilka kala wareegayaa Aweys Xaaji Yuusuf, kaas oo bishii Ogoosto ee sanadkii hore (2025) loo magacaabay La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha, kaddib markii uu soo dhammaystay muddo xileedkiisii safiirnimo ee Riyadh.
Isbaddalkan diblomaasiyadeed ayaa ku soo aadaya xilli xasaasi ah oo uu gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas ka jiro loolan xooggan oo u dhexeeya quwadaha gobolka, arrimahaas oo ay sii murjinayaan xifaaltanka waddamada Khaliijka iyo arrimaha gudaha ee Soomaaliya.
Tallaabadan ayaa imaanaysa iyadoo bishii hore ay dowladda Federaalka Soomaaliya qaadatay go’aan culus oo ay ku laashay dhammaan heshiisyadii ay la gashay Imaaraadka Carabta, oo ay ku jiraan heshiisyada dekedaha iyo iskaashiga milatari. Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay Abu Dhabi inay ku xad-gudubtay madaxbannaanida dalka, tallaabadaas oo sii fogeysay xiriirka labada dal.
Khilaafkaas sii xumaanaya ee kala dhexeeya Imaaraadka ayaa ku riixay Muqdisho inay xoojiso xiriirka ay la leedahay xulafada kale ee Carabta, iyadoo Sacuudiga loo arko inuu yahay miisaan culus oo dhanka dhaqaalaha iyo diblomaasiyadda ah oo ay Soomaaliya tiigsaneyso.
Iskaashigaas sii kordhaya waxaa marag u ah heshiiskii iskaashiga milatari ee ay Soomaaliya iyo Sacuudiga ku kala saxiixdeen Riyadh horraantii bishan. Heshiiskaas ayaa lagu tilmaamay mid kor loogu qaadayo awoodda ciidamada xoogga dalka iyo isku-xirka la-dagaallanka Al-Shabaab, xilli ay Soomaaliya dadaal ugu jirto soo celinta amniga buuxa ee dalka.
Magacaabista Danjire Cismaan ayaa sidoo kale ku soo aadeysa wax yar uun kaddib dhulgariirkii siyaasadeed ee dhacay dhammaadkii sanadkii hore, markii Israel ay noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada maamulka Somaliland.
Tallaabadaas, oo ay Soomaaliya ku tilmaamtay mid “duullaan ku ah madaxbannaanideeda”, ayaa sababtay olole diblomaasiyadeed oo ay Muqdisho ku raadineyso taageero caalami ah si looga hortago aqoonsigaas.
Sacuudiga ayaa kamid ahaa dalalkii sida degdegga ah u garab istaagay Soomaaliya, iyagoo caddeeyay inay ilaalinayaan midnimada iyo dhulka Jamhuuriyadda, halka Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) uu tallaabada Israel ku sifeeyay mid halis ku ah xasiloonida caalamka.
Marka laga soo tago siyaasadda, xiriirka Riyadh iyo Muqdisho waxaa udub-dhexaad u ah dhaqaalaha. Sacuudiga waa suuqa ugu weyn ee loo dhoofiyo xoolaha Soomaaliya, gaar ahaan xilliyada Xajka, waana waddan ay ku nool yihiin jaaliyad Soomaaliyeed oo ballaaran oo xawaaladaha ay diraan ay laf-dhabar u yihiin qoysas badan.
Diblomaasiyiinta falanqeeya arrimaha gobolka ayaa aaminsan in safiirka cusub ee loo dirayo Riyadh uu yeelan doono miisaan gaar ah, maadaama laga filayo inuu door ka ciyaaro xoojinta taageerada dhaqaale, arrimaha shaqaalaha, iyo isku-xirka amniga xilli ay Soomaaliya u baahan tahay xulifo istiraatiiji ah oo ay ku halleyn karto xaaladaha cakiran ee gobolka.

