Sacuudiga & Imaaraatka oo hab cusub ula dagaalaya dowladda SOOMAALIYA

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa qaab cusubn ula dagaalamaya dowladda Soomaaliya, ayaga oo taageeraya maamullada siyaasad ahaan ay is-diidan yihiin dowladda, sida Somaliland iyo Puntland.

Dowladahani oo Siyaasad ahaan aad isugu dhow isla markaana ka mideysan ka faa’iideysiga qaarada Africa ayaa sheegay inay diyaarinayaan qorshooyin ay dhaqaale ugu abuurayan dowladaha Africa qaarkood oo ay ku jirto Somaliland.

Waxa ay dowladahaani sheegen in Somalia ay ka xulan doonaan Somaliland oo iyadu u nugul la dhaqmida dowladahaasi.

Somaliland oo qeyb ka ah maamulada hoostaga dowlada Somalia, balse qaadashada madaxbanaanida ku raadisa soo dhaweysiga dowladaha shisheeye ayaa lagu wadaa in xiriir dheeri ah ay la sameyso dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka carabta.

Qoraal kusoo baxay Wargeyska NRL ee kasoo baxa dalka Lubnaan ayaa waxaa lagu sheegay in dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka carabta qaab dadban ay u rogayaan dagaalka ay kula jiran dowladda Somalia , waxaana lagu xusay in Somalia ay ka xusheen Somaliland waxaana soo labeysa Puntland oo iyadu u taagan maslaxadeeda.

Wargeyska ayaa sheegay in Puntland ay iminkaba saaxiib dhow la tahay imaaraadka, hase yeeshee ay Heshiisyada qabyada ah ay ka qeyb noqon doonto dowlada Sacuudiga.

Sacuudiga iyo Imaaraadka carabta ayaa Dowladaha kale ee dhaca qaarada Madow (Africa) ku kala sheegay Kenya, Ethiopia, Eriterea iyo Ugandha.

Labadaani dowladood ee saameynta ku leh Africa ayaa la sheegay inay xooga saarayaan qeybaha Shidaalka, Ganacsiga, Dekadaha iyo Dhoofka xoolaha nool.

Sidoo kale, marka si gaara loo turxan bixiyo Somaliland iyo Puntland ayey kala shaqeyn doonaan dhinacyada wax soo saarka sida beeraha, Xoolaha iyo Dekadaha oo ah goobaha ugu wanaagsan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com