SACUUDIGA kaalin ma ku lahaayeen dilkii Fakhrizadeh?

Riyadh (Caasimadda Online) – Mas’uul ka tirsay dowladda Sacuudiga ayaa dhaleeceyn kula dhaqaaqay wasiirka arrimaha dibadda jamhuuriyadda Iran, kaas oo oo xukuumadda Riyadh ku eedeeyay iney kaalin ku laheyd khaarijinta saynisyahankii ugu sarreeyey Nukliyeerka Iran Mohsen Fakhrizadeh.

Jimcadii lasoo dhaafay ayey aheyd markii sayanisyahankan weerar qarax iyo rasaas ah lala eegtay isagoo ku socdaalaya magaalada Tehran ee xarunta jamhuuriyadda Iran, waxaana iska hor imaad dhexmaray ilaaladiisa iyo kooxaha weerarka soo qaaday ay sababtay inuu geeriyoodo Mohsen Fakhrizadeh.

Dilka kadib waxaa timid tuhun ay qabaan xukuumadda Iran, waxaana wasiirka arrimaha dibadda uu baraha bulshada soo dhigay qoraal uu shirqool ugu yeeray kulankii ay dyhawaan yeesheen dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman iyo ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, waxeyna jamhuuriyadda Iran rumeysan tahay in kulankaas uu horseeday dilka shaqsigaan kaalinta mugga leh ugu jiray.

“Wasiirka waa naf la caari, mana ahan wax walba oo xun kana dhaca Iran inuu ku eedeeyo boqortooyada” ayuu twitter-ka kusoo qoray Adel al-Jubeir.

Wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Sacuudiga oo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: “waxa is weydiinta leh waxey tahay managu eedeyn doonaan fatahaadaha iyo dhul-gariirada ka dhici doona Iran”

Ugu dambeyntii wuxuu sheegay in siyaasadda Sacuudiga aysan aheyn iney sameyso khaarijin, sidoo kale Sacuudiga waxaa lagu dhaliilay ineysan cambaareyn dilka saynisyahankan sida ay sameeyeen dowladaha kale ee khaliijka, taasoo banaanka soo dhigeysa xiriirka xun ee meesha yaalla iyo tuhunka ay banaanka keeneen jamhuuriyadda IRAN.

Inkastoo ay boqortooyada beenisay, hadana bishii lasoo dhaafay waxey warbaahinta madaxa bannaan sheegeen inuu jiray kulan dhexmaray Netanyahu oo uu wehliyo Yosef Cohen oo ah madaxa hay’adda sirdoonka Israel ee Mossad iyo dhaxal sugaha boqortooyada Mohamed Bin Salman.