Sacuudiga oo dhaqaalaha ka jaray dadka Qudus kadib markii ay diideen qorshaha loogu wareejinayo Yahuuda

Qudus (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa cadaadis xooggan iyo dhibaato cusub ku biirisay caqabadaha ay wajahayaan dadka degan magaalada barakeysan ee Qudus ee ku hoos nool gumeysiga Yahuudda, kadib markii ay ka jartay taageeradii ay siin jirtay.

Saraakiil ka tirsan maamulka magaalada Qudus ayaa wargeyska Alkhaleej Online u sheegay in Sacuudiga uu dhaqaalihiisa u adeegsanayo inuu ku qasbo dadka degan magaalada inay u hoggaansamaan siyaasadda cusub ee madaxweyne Donald Trump ee gadaal ay ka riixayaan Yahuudda.

Labadii bil ee ugu dambeysay, magaalada barakeysan ayaa la kulantay hoos u dhac xooggan oo ah xagga gargaarka bani aadannimo, waxbarashada iyo mashruucyadii ay Sacuudiga mal-gelin jireen, ee lasoo marsiin jiray Bankiga Horumarinta Islaamka ee fadhigiisu yahay magaalada Jeddah..

‘Tani waa ciqaab dadka Qudus ay kala kulmayaan Riyadh, kadib markii ay diideen inay aqbalaan heshiiska madaxweyne Trump ee looga magac daray (Heshiiska qarniga), ee dhigaya in Qudus ay noqoto magaalo Yahuudda ay leeyihiin” ayuu yiri sarkaalka.

Sarkaalka ayaa sheegay in tageerada Sacuudiga oo ahaan jirtay 60 milyan oo dollar bishii, laga soor eebay kaliya 7 milyan.

Waxa uu intaas ku daray in markii ay dowladda Sacuudiga weydiiyeen sababta looga jaray dhaqaalaha, loo sheegay inay la xiriirto dhibaatooyin dhaqaale oo Scauudiga soo wajahay, balse ay ogyihiin in xaqiiqda ay tahay in arrintan la xiriirto siyaasad.

Khaleej Al-Khatib oo ah madaxa dhaq-dhaqaaqa Islaamiga ah ee Qudus ayaa sheegay in Sacuudiga ay ka shaqeynayaan danta Mareykanka iyo Yahuudda, aysanna yaab lahayn tallabada ay qaadeen.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
Caasimada@live.com