Web looga shakisan yahay Kheyre oo abuuray tuhun la xiriira doorashada 2020-ka

Waxaa Hawada soo galay Website lagu sameeyey Magaca Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre kaasoo keenay shaki weyn oo ku aadan inuu Ra’isulwasaaraha isku soo sharixi doono Doorashada soo socoto ee Sanadka 2020.

Websitekaan Hawada soo galay oo ay weli ku socoto dhismo ayaa waxaa diiwaan geliyey mid kamid ah Gacanyarayaasha Ra’isulwasaare Kheyre sida ay xogta sheegeyso kaasoo lagu magacaabo Yaxye Cali Hareeri taariikhda markay aheyd 07-06-2018.

Balse markii ay soo baxeyn warar ku aadan in Websitekaas laga sameeyey Xafiiska Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa durba la qariyey oo Private laga dhigay magacii lagu diiwaan geliyey maadaama uu magacaas yahay mid banaanka soo dhigayo halka rasmiga ah ee laga leeyahay waxayna taas kor usii qaaday shakiga ah in Websitekaan uu leeyahay Xasan Cali Kheyre.

Arrinta ku aadan inuu Websitekaan leeyahay Ra’isulwasaare Kheyre ayaa aad isku soo tareyso waxaana horey u jiray warar kala duwan oo ku aadan inuu isku soo sharixi doono xilka Madaxweynimo inkastoo Ra’isulwasaare ku xigeenka dalka horey u sheegay in musharaxoodu yahay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Haddii ay dhab noqoto inuu Websitekaan leeyahay Ra’isulwasaare Kheyre waxaa muuqato in Nabad iyo Nolol ay yeelan doonto laba musharax oo aad u loolami doono iyadoo la aaminsan yahay in Madaxweyne Farmaajo uu musharax u noqon doono Xisbiga talada dalka haya.

Websitekaan ayaa hadda markii la booqdo wuxuu kuu sheegayaa in dhismo lagu wado dhawaana uu hawada soo geli doono sida kaaga muuqato sawirka Hoose weliba waxaa ku qoran inuu hawada soo geli doono Asbuc kadib.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com