Sacuudiga oo Falastiin ku cadaadinaya qorshe ah in masjidka Al-AQSA uu…

Qudus (Caasimada Online) – Dalal dhowr ah oo carbeed ayaa cadaadis ku saaraya maamulka Falastiiniyiinta ee madaxweyne Mahmoud Abbas inuu aqbalo heshiis uu soo bandhigay madaxweynaha Mareykanka oo loogu yeeray “heshiiska qarniga”.

Ilo-wareedyo ku dhow Abbas ayaa shaaca ka qaaday Sacuudiga iyo Jordan ay ka mid yihiin dalal Mareykanka kala hadlaya heshiiskan, oo sida la sheegaya soo geba-gebeyn doona dagaalka Falastiiniyiinta iyo Yahuuda.

Heshiiska ayaa waxa ugu weyn waxa uu yahay in Falastiiniyiinta ay Yahuudda uga tanaasulaan magaalada Qudus, halkaasi oo mar hore Trump u aqoonsaday caasimadda Israel. Haddii Falastiin ka tanaasusho Qudus, wuxuu macnaheedu yahay in Islaamku weyn doono masjidka Al-aqsa, ee ah kan saddexaad ee ugu bvarakeysan.

Sida uu qoray wargeyska Quds Net New, Ilo-wareedyada ayaa sidoo kale sheegay in Abbas uu aad ula yaaban yahay mowqifka dalalka carbeed ee arrintan.

Abbas ayaa sida la sheegay dareemaya in Sacuudiga iyo dalalka kale ee carbeed ay faro-gelin toos ah ku hayaan arrimaha gudaha ee Falastiiniyiinta.

Sacuudiga ayaa la sheegay in Abbas ay u yabooheen lacag badan si uu ugu hormariyo xaaladda nololeed ee magaalada Gaza, taas beddelkeedna uu ka tanaasulo magaalada Qudus.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
caasimada@live.com