Imaaraadka oo hub casri ah ka dajiyay dalka Ethiopia (Muxuu yahay qorshaha?)

Addis Ababa (Caasimada Online) – Sida ay baahiyeen wargeysyada mucaaradka dalka Ethiopia dowlada Imaaraadka Carabta ayaa Saanad Huba ku yaboohday dowlada Ethiopia.

Waxa ay qoreen in Saanadasi ay u badan tahay Hubka noocyada culus, kadib markii dowlada Ethiopia ay codsi saanad u dirtay Imaaraadka.

Hubkan ayaa la sheegay in diyaarad Militery oo laga leeyahay dalka Imaaraadka ay maalmo un ka hor ka dajisay Garoonka ay leeyihiin Militeriga Ethiopia ee ku yaalla Nansereed.

Hubka ayaa la xaqiijiyay inay la socdeen qalab casri ah oo ciidamada Militeriga ay ku isticmaalan duurka iyo goobaha godcurka ah.

Yabooha sanada Militery ayaa waxaa lahaa Dhaxal-sugaha Boqortooyada Imaaraadka ahna Taliye xigeenka ciidamada wadankaasi Maxamed bin Zayed.

Dowlada Imaaraadka carabta ayaa labadii sano ee ugu danbeysay xiriir wanaagsan la leh dowlada Ethiopia oo siyaasad ahaa ku dhow Somalia.

Dowlada Ethiopia ayaa saanadaasi ciidan u adeegsan doonta Kooxaha nabadiidka ee dagaalka kula jira, iyadoo ay suuragal tahay in loo soo daadgureeyo ciidamada Ethiopia ka jooga Baydhabo, Galgaduud iyo Kismaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Addis Ababa
Caasimada@live.com