Xog: Sanbaloolshe oo ku biiray CC Sharmaarke iyo isbaheysiga Imaaraadka

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Agaasimihii hore ee hay’adda nabad-sugidda Somalia, Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe uu ku biiray garabka mucaaradka dowlada ee sida dhow ula shaqeeya dowlada Imaaraadka carabta.

Wararku waxa ay sheegayaan in Sanbaloolshe ay kulamo kala duwan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ku qaaten Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia Cumar C/rashiid iyo Diplumaasiyiin ka tirsan Wasaarada arrimaha Dibadda dalka Imaaraadka kaa oo ka dhacay Safaarada dalkaasi ay ku leedahay Kenya.

Kulamada waxaa qeyb ka ahaa Xildhibaano iyo Siyaasiyiin uu kamid ahaa C/raxmaan Cabdishakuur kuwaa oo taabacsan garabka Cumar C/rashiid ee aadka uga soo horjeeda dhismaha dowladnimo ee Somalia.

Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in Cumar C/rashiid uu Sanbaloolshe usoo bandhigay inuu ku biiro garabka uu isaga hogaaminaayo si loo helo isbedel dhanka Siyaasada ah, waxa uuna sidoo kale u cadeeyay inay wada shaqeyn la sameyn doonaan Imaaraadka.

Cumar C/rashiid iyo Dowlada Imaaraadka ayaa isla wada qorsho lagu kordhinaayo cadadka mucaaradka kasoo horjeeda dowlada Somalia.

Cumar C/rashiid waxa uu Sanbaloolshe u sheegay in Somalia ay u baahan tahay isbedel ku xiran iskaashi si buu yiri meesha looga saaro maamulka iminka jira, hase yeeshee waxaa la xaqiijiyay in tashkiilin maalmo qaadatay kadib uu Sanbaloolshe aqbalay.

Cumar C/rashiid ayaa la xaqiijiyay inuu dhigay bohosha uu ku dhacay Sanbaloolshe oo ay isku dhacsan yihiin madaxda ugu sareysa Dowlada Somalia.

Sanbaloolshe, ayaa xoojin doona garabka mucaaradka, waxaana xusid mudan in Siyaasad ahaan uu aad u adag yahay mowqifkiisa ku aadan ka hor imaanshiyaha dowlada hadda jirta.

Sidoo kale, Sanbaloolshe ayaa horay u ahaa shaqsiga Cumar C/rashiid u qaabilsanaa ololaha doorashada, taa oo sabab u ah in labada mas’uul ay ku midooban garabsiinta  Dowlada Imaaraadka oo caqabad ku ah amniga iyo xasiloonida Siyaasadeed ee xiligaan kajirta Somalia.

Dhinaca kale, Sanbaloolshe, ayaa go’aankaani qaatay kadib xil ka qaadista uu kala kulmay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo, xili uu ahaa Agaasimihii hay’adda nabad-sugidda Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com