Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya ayaa Isniintii ku dhawaaqday in, laga billaabo hadda, dadka ajaaniibta ah loo oggol yahay inay maalgashadaan shirkadaha Sacuudiga ee ku qoran suuqa saamiyada, kuwaasoo hanti ma-guurto ah ku leh magaalooyinka barakaysan ee Makka iyo Madiina, oo ah labada magaalo ee ugu barakaysan Islaamka.
Go’aankan ayaa “ujeedkiisu yahay in lagu dhiirrigeliyo maalgashiga, korna loogu qaado soo jiidashada iyo hufnaanta suuqa saamiyada, isla markaana lagu xoojiyo tartankiisa gobolka iyo kan caalamigaba, iyadoo la taageerayo dhaqaalaha gudaha,” sidaa waxaa lagu sheegay bayaan kasoo baxay Hay’adda Suuqa Maaliyadda ee Boqortooyada.
Bayaanka ayaa lagu caddeeyay in maalgashiga shisheeye “ee shirkadaha hantida ma-guurtada ah ku leh gudaha xuduudaha Makka iyo Madiina uu ku koobnaan doono saamiyada shirkadahaas Sacuudiga ah ee ku qoran suuqa saamiyada Sacuudiga, qalabka deynta la beddeli karo, ama labadaba isku mar.”
Si kastaba ha ahaatee, lahaanshaha dadka aan Sacuudiga ahayn kama badan karto 49 boqolkiiba, ayay hay’addu tiri.
Sacuudi Carabiya ayaa ah dalka ugu dhaqaalaha badan Bariga Dhexe, waana dalka ugu badan dunida ee dhoofiya saliidda ceyriin.
Waxay muddo sannado ah ku howlaneyd qorshe ballaaran oo dib-u-habayn ah, kaasoo ujeedkiisu yahay in lagu kala duwo dhaqaalaha, iyadoo xoogga la saarayo dalxiiska iyo maalgashiga.
Magaalada Makka ayaa sanad walba soo dhaweysa malaayiin Muslimiin xujey ah, hase ahaatee, waxaa hadda ka socda mashruuc horumarineed oo ballaaran, kaasoo lagu doonayo in lagu soo jiito 30 milyan oo qof oo cibaadaystayaal ah marka la gaaro sannadka 2030.
Mashruuc loogu magac daray Masar, oo ay maalgelinayso Sanduuqa Maalgashiga Dadweynaha ee Boqortooyada (PIF), ayaa saadaalinaya in 40,000 oo qolal hoteel oo cusub laga hirgeliyo gudaha Makka.
Xajka sanadlaha ah iyo cimrada ayaa la qiyaasayaa inay soo xareeyeen dakhli gaaraya $12 bilyan sannadkii 2019-kii.
Dadka aan Muslimka ahayn looma ogola inay galaan magaalooyinka barakaysan.