Sacuudiga oo ka fakaraya qorshe ay usoo jeedisay DF

Riyadh (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa ka fakareysa qorshe ay usoo jeedisay dowladda Soomaaliya oo ku saabsan inay maal-gashi ku sameyso kalluumeysiga Soomaaliya, sida uu weriyey wargeysla Asharq Al-Awsat.

Wargeyska ayaa sheegay in saraakiil ka kala socota labada dal ay ku kulmeen magaalada Masqat ee caasimadda dalka Cumaan, si ay uga wada-hadlaan fursadaha kalluumeysiga Soomaaliya. 

Maamulka Sacuudiga ee Ganacsiga Dibedda ee loo soo gaabiyo GAFT ayaa ku wargeliyey shirkadaha gaarka loo leeyahay ee dalkaas fursadaha ka jira Soomaaliya, wuxuuna u gudbiyey daraasad faah-faahsan oo ku saabsan maal-gashiga kalluumeysiga Soomaaliya, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen wargeyska.

Soomaaliya ayaa dhankeedana sheegtay inay leedahay faa’iidooyin badan oo ay kaga horreyso dalalka kale, oo ay ka mid yihiin inay leedahay xeebta ugu dheer Afrika, ayna kaalinta koowaad kaga jirto dhooftinta xoolaha iyo kalluunka qaaradda Afrika.

Sida ku cad daraasadda ay soo gudbiyeen maamulka GAFT, oo uu arkay wargeyska Asharq Al-Awsat, waxaa xiriir laga dhex hormarin karaa Soomaaliya iyo maal-gashatada Sacuudiga ee diyaarka u ah inay maal-gashtaan islamarkaana xiiso u qaba dhanka kalluumeysiga.

Daraasadda ayaa sidoo kale lagu sheegay in maal-gashigan laga sameyn karo faa’iido lacageed oo badan, balse ay jiraan caqabado badan oo u baahan khirbad xooggan.

Sababtaas darteed, ayaa maamulka GAFT wuxuu diyaariyey koox khubaro ah oo maal-gashatashada gacan ka siiya mashruuca kalluumeysiga Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa sidoo kale muujisay inay diyaar u tahay inay la shaqeyso saaxiibada ku habboon, ayna siin karto wax kasta oo ay u baahan yihiin, oo ay ka mid yihiin qorista shaqaalaha loo baahan yahay iyo maareynta mashruuca.

Ururka Cunada Adduunka ee FOA ayaa xaqiijiyey in biyaha Soomaaliya ay hodan ku yihiin kalluunka tuna-ha ee loo yaqaan yellowfin.

Si kastaba, kheyraadka badda Soomaaliya, oo kalluunka uu ugu weyn yahay, ayaa waxaa dhibaato ku haya kalluumeysiga sharci-darrada ah, oo ay sameeyaan dalal badan oo caalamka ka mid ah.