Sacuudiga oo lagu wado inuu dhex-dhexaadiyo Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta

Qaahira (Caasimadda Online) – Mid ka mid ah dalalka Carbeed oo xubin firfircoon ku leh Jaamacadda Carabta ayaa dhex dhexaadin doona dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo markii u horeysay muddo rubuc qarni uu mad-madow soo kala dhex galay xiriirka labada dal u dhaxeeya.

Wararka laga helayo magaalada Qaahira ayaa sheegaya in dowladda Sacuudi Carabiya ay dadaal ugu jirto sidii ay u kala dhex geli laheyd Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Diblomaasiyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa xaqiijinaya in dowladda Sacuudiga ay labada dhinac dalab u dirtay, si wada hadal uga dhex furto.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan walaac ka muujisay faragelinta shisheeye ee Imaaraadka Carabta iyo heshiiskii Shirkadda DP World la gashay Somaliland ee ku saabsanaa Dekeda Berbera.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa hor-geeyay fadhigii Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carbta ay ku yeesheen magaalada Qaahira qaraar ku saabsan walaaca ay ka qabaan heshiiska DP World iyo faragelinta lagu haayo Qaranimada Soomaaliya.

Wasiir Cawad ayaa sheegay in sidoo kale ay dowladda Itoobiya arrinta heshiiska Dekeda Berbera kala hadleen, ayna ku wargeliyeen in aanay raalli ka aheyn in meel looga dhaco Qaranimada Soomaaliya, isla markaana ay garawsadeen warkooda, dibna u eegi doonaan.

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa soo ifbaxay xiisada siyaasadeed ee ka dhex qaraxday Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ee ka dhashay heshiiskii Saddex geesoodka ee Dekeda Berbera.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com