Akhriso Mooshin laga wado Xukuumadda Kheyre iyo Liiska Mooshinada ku jira gacanta guddoonka Baarlamaanka

Muqdisho (Caasimadda Online) – Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dib u furmaya iyadoo kadib la guda geli doono kulamada kalfadhiga saddexaad ee Baarlamaanka.

Kalfadhiga saddexaad ayaa waxa horyaalla arrimo fara badan oo ay ka mid yihiinDib u eegista Dastuurka dalka, ku dhowaad 10 Xeer Sharci oo xukuumadda soo diyaarisay oo uu ka mid yhay Ssharciga Jinsiyadda, waxaa ku soo biiray xaalada dekadda Berbera iyo mooshin kala duwan oo xildhibaannadu wadaan.

Waxaa warbxino kal duwan laga dhageysan doonaa Guddiyada Joogtada ee Baarlamaanka, waxaana dhinaca kale xukuumadda Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre ku furan laba xaalad oo xasaasi ah oo Baaralamaanku uga horjeedo, waxayna kala yihiin:

1 – Canshuurta Iibka ee wasaaradda Maaliyadda ku soo rogtay Ganacsatada Muqdisho oo lagu qaadayo Dekadda Muqdisho.

2- Khilaafka ka taagan Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Wasiirka Dastuurka oo halis ku haya howlihii dib u eegista Dastuurka.

Waxaa kaloo wararku sheegayaan inay socdaan ilaa saddex mooshin oo ay diyaarinayaan xildhibaannada qaarkood kaasoo midkood ku wajahan yahjay xukuumadda Ra’iisal Wasare Xasan Cali Kheyre

Kalfadhigan ayaa la filayaa inuu noqdo kan ugu xasaasisan intii ay jirtay dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana xildhibaanno badan aaminsan yihiin inuu isbedel dhici doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com