Sacuudiga oo qaatay go’aan muujinaya sida ay isugu dhowaanayaan Israel

Riyadh (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa markii ugu horeysay u fasaxday duulimaadyada shirkadda Air India ee ku wajahan Israel inay isticmaali karaan hawada dalkaas, sida uu qoray waregeyska Haaretz.

Go’aankan oo hirgeli doona bisha march ayaa macmihiisu yahay in duuklimaadyada New Delhi iyo Tel Aviv uu soo gaaban doono laba saac iyo bar.

Qadka cusub ayaa macnihiisu yahay in shirkadda ay yareyn doonto shidaalka ku baxa duulimaadka, taas oo u saamixi doonta inay iibiso tikidho jaban.

Dowladda Sacuudiga ayaa muddo 70 sano ah ka mamnuucday duulimaadyada ku wajahan Israel inay adeegsadaan hawada dalkaas.

Tallaabadan cusub ayaa loo arkaa inay astaan kale u tahay xiriirka soo wanaagsanaanaya ee Sacuudiga iyo Israel, oo sanadkii tagey yeeshay xiriiro qarsoon oo dhowr ah.

Go’aakan cuusb ayaa la rumeysan yahay inuu mas’uul ka yahay dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan oo wax weyn ka beddelay siyaasadda dalkaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com