Xog: Gaas oo Muqdisho xil safiirnimo uga raadinaya agaasimihiisii hore

Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ilo lagu kalsoon yahay waxaa ay shegeen in safiirka dalka Soomaaliya u fadhiyi doona wadanka Mareykanka u raadinayo agaasimihiisii hore ee xafiiska Ra’isal wasaaraha islamarkaana ah wakiil uga ah xiligaan magaalada Muqdisho iyo Nairobi.

Cabdiraxman Cabdi Warsame “Burhaan DIO MIO” oo isku beel yihiin Madaxweyne Gaas, ayaa wararka waxay sheegayaan inuu kala hadlayo madaxda sare ee dowlada Federaalka, iyadoo la ogaadey Wasiirka cusub ee Wasaraada arimaha dibada Soomaaliya ka codsadey maalmahaan in dalbka dhinaciisa  soo qoro isaguna dabada riixi doono.

Burhaan Dio MIO iyo Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa xiriirkoodu xumaadey markii shaqada Ra’isal wasaaraha Soomaaliya ka-sii dhamaaneysay isagoo ka qaadey xilkii agaasimaha guud ee xafiiskiisa  balse waxy dib u wada shaqeeyeen markii loo doortey xilka Madaxweynaha Puntland.

Burhan Dio Mio Bidix, Madaxweyne Gaas dhexda- Xuquuqda sawirka barta Facebook Burhaan

“Waxaa labadooda ka dhaxeeya xiriir ganacsi iyo dhaqaale balse ma jiro xiriir siyaasadeed ee ka dhaxeeyn kara labadooda, taasna waxaa markhaati ka ah in Madaxweyne Gaas ka hor-istaagey Burhaan Dio Mio inuu noqdo Senator aqalka sare isagoo markaas taageero ka haysta qaar ka tirsan issimada Mudug.” sidaa waxaa sheegey qof si wanaagsan u yaqaan labadaan shaqsi.

Warsame ayaa Madaxweyne Gaas wakiil uga ah tageerada dhaqaale iyo mucaawinooyinka raashinka dowlada Turkiga siiso Puntland isagoo xiriirka labada dhinac si dhow uga warhayey. Burhaan Dio Mio ayaa dhinaca kale safaro dalka Turkiga u raacey Cabdiweli Gaas halka marar badan safiirka dalkaas u fadhiya Muqdisho u soo raacey xarunta dowlada Puntland ee Garowe.

In muddo ah Cabdiraxman Cabdi Warsame waxaa Madaxweyne Gaas uu kala qayb galayey kulamada Muqdisho ay ku yeeshaan madaxda maamulada iyo dowlada Federaalka isagoo hogaamin jirey guddiyada Puntland u xilsaarato wadaxaajoodyada dhinacyadaan ee arimaha Soomaaliya. Dio Mio ayaa dabgal iyo ka warqab ku sameeya heshiisyada kulamadaan iyadoo dhowaan Madaxweyne Gaas u magacaabey madaxa guddiyadda dhinaca Puntland u qaabilsan la socodka fulinta go’aamada kasoo baxa kulamada looga hadlo amniga qaranka kuwasoo maamulada Soomaalida iyo dowlada Federaalka intooda badan ku qabsadaan Muqdisho.

Dhinaca kale waxaa socda dadaalo kale ay wadaan shaqsiyaad kale oo kasoo jeeda degaanada Puntland kuwasoo qaarkood codsiyadooda u gudbiyey Villa Soomaaliya iyadoo ay dabada ka riixayaan qaar ka tirsan madax dhaqameedkooda.

Wasiirka Cusub ee Wasaarada arimaha dibada Puntland Axmad Ciise Cawad oo kasoo jeeda degaanada Puntland ayaa inta aan xilka loo magaacaabin waxaa uu ahaa safiirka dalka Soomaaliya u fadhiya Mareykanka.

Safiirada iyo shaqaalahooda fadhiya dalalka saxiibka la ah dalka Soomaaliya ma aha kuwo dhaqaale ka hela dowlada Federraalka ah balse waxay ku tiirsan yihiin iney kharashaadkooda ka raajiciyaan wadamadaas iyo qurbo joogta taasoo xadgudub ku ah qaranimada dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa laga filayaa in safiiro u magacaabo dalalka qaarkood kuwasoo safiiradii u joogey dib loogu yeeray dhowaan balse dadka la socda ayaa sheegaya in dib u dhac ku yimid.

GAROWEONLINE