Shirka Golaha amniga Qaranka oo maanta lasoo gaba-gabeynayo

Muqdisho (Caasimada Online)-Shirka Golaha amniga Qaranka oo maalintii doraad ka furmay magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu wadaa in lasoo xiro maanta.

Shirka oo inta badan looga hadlay qodobadii la qorsheeyay ayaa la filayaa in gelinka dambe ee maanta lagu soo gaba-gabeeyo magaalada Muqdisho.

Shirka oo ahmiyad gaara u leh dowlada ayaa waxaa laga soo saari doonaa war-murtiyeed ku xusan qodobadii lagu heshiiyay mudada uu socdo shirka.

Qodobada Shirka looga hadlaayo ayaa waxaa ka mid ah Dastuurka, dhismaha Ciidamada, Doorashada Soomaaliya ee 2020, iyo qodobo kale, qodobadaan ayaa soo taagnaa mudadii ay dhisnaayeen Golaha amniga Qaranka oo markii hore loogu yeeri jiray Madasha Qaranka xiligii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirka ayaa warbixino looga dhageystay Madaxda Maamul Goboleedyada, Talisyada Ciidamada, Wasaaradaha Amniga iyo Gaashaandhigga.

Waxaa looga dooday sidii Ciidamada Qalabka Sida ay ula wareegi lahaayeen Mas’uuliyadda amniga ee dalka, oo hada ay gacanta ku hayaan Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM, arrintaasna meel wanaagsan ay mareyso.

Geesta kale, Madaxda ka qayb galeysa Shirkaan ayaa lagu wadaa inay ka qayb galaan xaflad loogu dabaal dagayo sanad guuradii ka soo wareegtay doorashadii Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ku beegan manta.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com