Waddooyinka Muqdisho oo Saaka lagu arkaayo Gaadiid dagaal & Ciidamo  

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa saaka oo khamiis ah inta badan xiran waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho, waxaana waddooyinka dhooban ciidamo isugu jira Boolis iyo Nabadsugid.

Amaanka magaalada ayaa waxaa iska kaashanaaya ciidamada amniga oo jaray waddooyinka ugu muhiimsan sida waddaha Makka Al-Mukarama iyo wadada Wadnaha.

Adkeynta amniga ayaa waxaa looga gol leeyahay si aanay u dhicin arbushaad inta ay socdaan Munaasabadaha lagu xusayo 8 February oo ku began maalinta la doortay Madaxweynaha Somalia.

Wadooyinka aadka u xiran ee xitaa loo diidaayo isticmaalka ayaa waxaa kamid ah Isgoysyada Howlwadaag, Sheekh Cali Suufi, Tarbuunka, Taleex, iyo Maka Al-mukarama.

Ciidamo hubeysan oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa goor sii horeysay oo xalay aheyd waxaa lagu dadiyay wadooyinka Muqdisho, Ciidamada ayaa gaadiidka u diidaya in wadada Maka Al-mukarama ka soo galaan dhanka jid cadayaasha.

Geesta kale, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa markii la doortay sheegay in aanay jiri doonin wado la iska xiro, balse taas mid ka duwan ayaa hada muuqata, waxaan wadooyinka la iska xiraa maalinkii laba jeer.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com