Sacuudiga oo saddex arrin ka dalbaday Mareykanka si uu xiriir ula yeesho Israel

Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya ayaa saddex arrin ka dalbatay Mareykanka, si ay xiriir diblomaasi ula yeelato Israel, waxaa sidaas qoray wargeyska New York Times.

Sacuudi Carabiya ayaa Mareykanka ka dooneysa; damaand qaad amni, in laga caawiyo horumarinta barnaamij Nukliyeer oo nabadeed, iyo in laga yareeyo xayiraadaha la xiriira iibsashada hubka Mareykanka, si ay xiriir ula yeelato Israel.

Haddii la isku raaco, wuxuu heshiiska isbeddel weyn ku sameyn karaa naqshadda siyaasadeed ee Bariga Dhexe. 

Codsiga damaaciga ah ee Riyadh ayaa madaxweyne Biden siinaya fursad uu heshiis xasaasi ah ku dhex-dhexaadiyo, taasi oo qaabey doonta xiriirka Israel ee dalka ugu awoodda badan Carabta.  

Waxay sidoo kale fulin doontaa ballan-qaadkiisa ahaa inuu xoojin doono heshiiskii Trump uu ka shaqeeyey ee Abraham Accord, kaasi oo Israel ay xiriir kula yeelatay dalalka Imaaraadka Carabta, Bahrain iyo Morocco. 

Saraakiisha iyo khubarada Mareykanka ayaa ku kala qeybsan sida dhab ahaan loogu qaadan karo hindisahan marka la eego sida uu u xun yahay xiriirka madaxwene Biden iyo dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan.

Warkan ayaa soo baxay saacado kahor inta aanay Iran iyo Sacuudiga Jimcihii ku dhowaaqin heshiis ay dib ugu soo celinayaan xiriirkooda diblomaasi, kaasi oo ay dhex-dhexaadisay China. 

Qaar ka mid ah taxliiliyayaasha siyaasadeed ayaa heshiiska ugu yeeray inuu caddeyn u yahay in Sacuudi Carabiya ay lumisay kalsoonidii ay ku qabtay in Mareykanka ilaalin karo amnigeeda, ayna hadda ku dhowaaneyso China. 

Isbeddelkan ayaa deg deg cusub ku abuuri kara maamulka Biden, si uu heshiis u dhex dhigo Riyadh iyo Tel Aviv. 

Si kastaba, waxaa jira caqabado dhowr ah oo hortaagan heshiis dhex mara Sacuudiga iyo Israel.  

Waxaa toddobaadyadan sare u kacayey rabshadaha Israel iyo Falastiiniyiinta kadib markii dowlad xagjir ah ay qabsatay Israel, taasi oo yareyneysa rajada heshiis mustaqbalka dhow.

Saraakiisha Sacuudiga ayaa horey u sheegay inaysan xiriir diblomaasi oo rasmi ah la yeelan karin Israel inta laga aas-aasayo dal Falastiin.

Hase yeeshee qaar ka mid ah dadka xog-ogaalka u ah wada-hadalladan ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in Sacuudiga oo dhowaanahan Israel la lahaa xiriir aan rasmi aheyn, ay ku qanci karaan wax intaas ka yar, sida uu qoray wargeyska Wall Street Journal. 

Balse arirn kale oo caqabad ah ayaa ah; in saraakiisha Mareykanka ay ka walaacsan yihiin isku dayga Sacuudiga ay ku doonayaan barnaamij nukliyeer ah oo nabadeed.

Waxay ka cabsi qabaan inay noqon karto tallaabadii koowaad ee hub nukliyeer ah, taasi oo Riyadh ay u dooneyso caymis ahaan, haddii Iran ay hub nukliyeer hesho.

Weli ma cadda waxa ay yihiin damaanad qaadyada amni ee Sacuudiga ay doonayaan, balse waxay u badan tahay inaysan u xooganeyn sida kan dhex-yaalla dalalka NATO, oo haddii midkood la weeraro midka kale ku qasban yahay inuu difaaco, sida ay sheegeen dad xog-ogaal u ah wada-hadallada.