Dowladda Mareykanka oo qiratay arrin xasaasi ah oo ku saabsan Soomaaliya

Washingtong (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa warbixin cusub ka soo saartay duqeymaha ay ka fuliso gudaha Soomaaliya, gaar ahaan khasaaraha kasoo gaaro dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

Warbixintan oo si gaar ah uga soo baxday taliska militariga Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa waxaa lagu faahfaahiyay khasaaraha shacabka kasoo gaaray duqeymaha ay saddexdii bilood ee ugu dambeysay ka fuliyeen koonfurta iyo bartamaha waddanka Soomaaliya.

AFRICOM ayaa shaaca ka qaaday inay heshay laba warbixinood oo dhaawac rayid ah oo dhacay Septembar 23, 2022 iyo October 1, 2022-kii, sida lagu sheegay bayaanka.

Qirashada Mareykanka ee waxyeelaynta dadka shacabka ah ayaa kusoo aadeyso, xilli ay diyaaradaha dagaalka ee waddankaas ay haatan kordhiyeen weerarada Soomaaliya, kuwaas oo badi lagu beegsado xubnaha iyo saraakiisha sar sare ee kooxda Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa soo saarista warbxinada ka hadlay khasaaraha rayidka ah bilaabay April 2020-kii, waana warbixintii 12-aad ee uu Mareykanka ku shaacinayo khasaaraha shacabka.

Warbixinadan ayaa sidoo kale qayb ka ah ballanqaadka taliska AFRICOM ee hufnaanta iyo isla xisaabtanka, sida lagu yiri bayaanka kasoo baxay milatariga Mareykanka.

Taliska AFRICOM wuxuu intaasi kusii daray inay halkooda ay kasii wadi doonaan dadaalka, ayada oo la ilaalinayo badqabadka dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed.

“Talisku waxa uu sii wadi doonaa ilaalinta badqabka rayidka, wuxuuna sameyn doonaa dib u eegista iyo qiimaynta warbixin kasta oo ku saabsan waxyeelada shacabka” ayaa lagu yiri.

Si kastaba, Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka dhanka milatariga ka caawiyo dowladda federaalka Soomaaliya, wuxuuna ka qayb-qaataa dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.